M/weynaha oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Ku/x Chris Allen Iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Ka Hadlay
Hargaysa:19,June,2014 (SDN/QJ)-. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirku xigeenka dawladda Ingiriiska u fadhiya Safaaradda Ethopia Mr. Chris Allen.
Kulankan oo ay kaga wada hadleen labada dhinac Arrimo dhawra oo ay ka mid tahay Xaalada Taleex.
Wasiirka Arimaha Dibada oo kulanka ka dib Saxaafadda La hadlay,ayaa sheegay in Ujeedada Safiir ku-xigeenka ee Somaliland uu daaranyahay sidii loola Socodsiin lahaa Dawladda Ingiriiska Xaaladda Somaliland,ee Dhinacyada Horumarka Iyo Nabadgalyada.
Waxaana uu intaas raaciyay Wasiirka arimaha Dibadda Somaliland in ay Cadeeyeen Masuulkakn ka socda Safaaradda Dawladda Inriiska ee Adisabab siday Somaliland uga Go’antahay inay ka mid noqoto Dalalka Caalamka ee la Aqoonsanyahay iyo Inay ka shaqayso Xasiloonida Gudaheeda,oo aanay o ogolaanayn wax ku lidi ah Arimaha Nabadgalyada Dalka.
Waxa kale oo wasiirku sheegay inay si cad ugu sheegeen Safiir Ku-0xigeenka Safaarada Inriiska ee Magaaladda Adis ababa in ay Somaliland leedahay Xuduud la Yaqaano,oo walaiba uu Ingiriisku dhigay,aanay jirina Cid gaar ah oo duulaan ku yihiin.
Socdaalka Masuulkan ee Maanta uu ku yimid Magaalada Hargaysa ee Somaliland ayaa waxay ku soo Beegmaysaa xili Masuulkan iyo kuwo kale oo reer Galbeed ahi ay dhawaan soo saareen war Qoraal ah oo Nuxurkiisu ahaa inay Somaliland si Deg deg ah ugala baxdo Ciidamadeed Magaaladda Taleex iyo Tuulooyinka Hoos Yimaada,taas oo ay Somaliland dhinaceeda ku Tilmaantay inay tahay Faro-galin Dibadeed.
SDN/QJ-Hargaysa
SDN/QJ-Marka