|

Maxakamadda Gobolka Hargays Oo Maanta Mar Kale Dib U Dhigtay Dhegaysiga Dacwada Masuuliyiinta Haatuf Iyo Xisbiyada Mucaaradka Ah Iyo Sollja Oo Duray Hanaanka Dacwada

gaaaHargeysa:19,June,2014 (SDN/QJ)- Waxa maanta mar kale dib loo dhigay Dacwadii loo Haystay  Masuulinyiinta Wargesyka Madax-banaan ee Haatuf,oo dib loogu riixay ilaa 24 bishan,oo ku began Maalinta Salaasada ah ee Soo socota.

Dhagaysiga Maxakamadda ee Maanta oo Ay Warbaahintu dibad jog ka ahayd ayaa markii ay soo idlaatay waxa si wada-jir ah Saxaafadda ula hadlay Musharaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Md.Jamaal Cali Xuseen iyo Xog-hayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Somalilanad ee Sollja Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax,oo si wada-jir ah u Cnabaareeyay Habkii iyo Hanaankii ay Maanta u dhacday Maxkamadayntu,oo ay ku tilmaameen inay ahayd mid ay  si cad uga muuqatay wax ay ugu yeedheen Qabyaaladayn iyo Nin Jeclaysi.

Waxaana ay dhinaca kale si isku mid ah ugu baaqeen Dhamaanba Warbaahinta iyo Dadka u dooda Xuquuqda Aadamaha  ee Somaliland in laga soo wada qeyb qaato Mudaharaad ka dhan ah Talaabada Maanta ay Maxkamadda Gobolka Hargaysa ay ku dhaqaaqday.

Dhinaca kale Xog-hayaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee Sollja,ayaa sheegay in warar hoose oo ay Helayaan Sheegayaan in horeba loo diyaariyay Xukunka Masuuliyiinta Haatuf,oo ku sheegay in la go’aamiyay in lagu Xukumo Gaxaan Lacageed,Xadhig labo sanno ah iyo in Ruqsadda Wargesyka laga qaado mudo 6 bilood ah.

 

.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed