|

DAAWO:Wiil uu Adeer u yahay Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid oo ku biiray kooxda ISIS ee Ciraaq ka dagaalameysa

Calgary June 19, 2014(SDN/QJ)-Wiil uu adeer u yahay Raiisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Shirdoon Saacid oo reer Canada ahaa ayaa la shaaciyay in uu ku biiray kooxda ISIS eek a dagaalanta Syria iyo Ciraaq.

Faarax Maxamed Shirdoon oo dhawr iyo labaatan jir ah ayaa wax ka baranayay mid ka mida jaamacadaha dalkan Canada.

Faarax ayaa ka soo muuqday Video dhawaan ay sameeyeen kooxda ISIS oo hanjabaad loogu soo jeediyay dalalka Canada iyo Mareykanka.

Video-ga ayaa la arkayay Faarax oo la taagan dagaal yahayno faro badan oo hubeysan isla markaana gubaya Passaporkiisa Canada.

Waalidja Faarax Naxaned Shirdoon oo ku nool magaalada Calgary ee dalkan Canada ayaa saxaafada u sheegay in ay ka naxsan yihiin goaanka inankoodu qaatay,balse aaney dooneyn in iminka ay la hadlaan saxaafada.

Canada ayaa wax aka tegay dhalinyaro farobadan oo ku biiray kooxda ISIS ee dagaalka kula jirta dawladaha Syria iyo Ciraaq.

Dawlada Canada ayaa haatan uun ku soo baraarugtay dhalintan u jihaadka tagtay bariga dhexe,waxaana haatan muuqda werwer la xiriira in dhalintaasi ay Canada dib ugu soo noqoto oo ay markaana weeraro qaadaan.

SDN/QJ-Calgary
contact@qurbejoog.com

Comments are closed