“Nin cadaan ah oo English faseexa ku hadlayay ayaa hogaaminayay Shabaabkii dhawaanta Kenya weerara”Goobjoogeyaal
Nairobi June 19,2014(SDN/QJ)-Qaar ka mida daka ku nool degaanka Mpeketoni ee dhawaanta ay weerareen Shabaabka ayaa waxa ay saxaafada u sheegeen in nin cadaan ah oo english ku hadlaya uu hogaaminayay dagaalyahanada.
Weerarka oo ay sheegteen Shabaabka ayaa waxa madaxweynaha Kenya uu sheegay in weerarkaasi ay ka danbeeyeen siyaasiyiin isku dirmwada.
“Waxaanu aragkeynay nin cad oo luuqada Englishta si faseexa ugu hadlaya oo amaro siinaya dagaal yahaniintii na soo weeraray”sidaa waxa yiri ruux diiday in magaciisa saxaafada lagu xuso.
Dadka goobjoogeyaasha ahaa ayaa sidii kale sheegay in ninka cadi uu ku hadlayay luuqada Caribiga,
Meelishiyaadka weerarka fuliyay ayaa dadka weydiinayay in ay Muslim yihiin iyo in kale inaanay toogan.
Weerarkan Shabaabku sheegtay ee magaalada Mpeketoni labada maalmood ee isxiga lagu qaaday ayaa waxa ku geeriyooday in ka badan lixda ruux.
SDN/QJ-Nairobi
contact@qurbejoog.com