Wasiirka Arrimaha Gudaha U Qaabilsan Kenya Oo Ganafka Ku Dhuftay Inuu Xilka Iska Casilo
Nairobi:June,19,2014(SDN/QJ)-Inkastoo uu Gacanta ka sii baxayo Xaalka Ammaanka Dalka Kenya, Haddana Wasiirka arimaha gudaha ee Dalkaas ayaa ku gaccan saydhay Baaqyo loogu jeedanayo inuu xilka Iska Casilo.
Wasiirka arimaha gudaha Joseph ole Lenku ayaa waxa uu sheegay in aanu is casili doonin iyada oo ay jirto in ay isa soo tarayaan baaqyada iscasilaadiisa, maadaama ay dusha ka saaran tahay ceebo la xidhiidha nabad-darrada dalka soo food saartay.
Qareenka Lenku Donald Kipkorir ayaa waxa uu sheegay in baaqa ka soo yeedhaya LSK ee ah in wasiirku uu is casilo ay tahay mid nasiib daro ah oo aan la qaadan karin.
Qareenka Lenku ayaa xusay in Ole lenku uu ku gacan saydhay dalabka LSK ee ah in u iscasilo islamarkaana uu sii wadan doono waajibaadkiisa qaran .
Kipkorir ayaa ku dooday in weerarka Degmada Lamu ka dhacay aanan sinaba loola xdhiidhin karin waxqabadka wasiirka oo liita islamarkana ay LSK ku qaldan yihiin baaqa ah in u xilka ka dago.
Ururka sharci yaqaanada dalka ee LSK aya bayaan ay hore u soo saareen waxa ay kaga dalbadeen wasiirka arimaha gudaha in uu iscasilo .
Waxa ay ururka sharci yaqaanada ee LSK ay sidoo kale ku baaqayan in uu iscasilo taliyaha guud ee Booliiska David Kimaayu .
LSK aya waxa ay Lenku, iyo Kimaiyo u qabteen in 14-maalmood gudahood ay xilak uga dagaan
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com