|

Faahfaahin La Xidhiidha Sababihii uu Wakiilkii Afrika u Qaabilsanaa Soomaaiya Xilkii Iskaga Casilay

Muqdisho:June,19,2014(SDN/QJ)-Wakiilkii Midowga Afrika u qaabilsanaa Arrimaha Somalia, ahaana Masuulkii ugu sarreeyey ee AMISOM Maxamed Saalax Annadiif, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu xilkii uu Hayey iska casilay.

nadiif Sida ay sheegayaan wararka laga Helayo Iscasilaadda Sarkani, waxa uu is  Casilaadiisa u gudbiyay Ururka midowga Afrika wayna ka aqbaleen, waxaana lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu Shir Jaraa’id ku qabto Magaalada Muqdisho.

Ma Cadda sababta rasmiga ah ee uu Sarkaalkani xilka uga tegay, balse sida ay ay sheegayaan wararka ay helayso Qurejoog.com, inuu u adkaysan waayey farogelinta waddamada jaarka la ah Somalia ay ku Hayaan Hawlaha isaga loo igmaday ee uu wakiilka ka yahay.

 

Dalalka uu shaqadiisa kasii wadan kari waayey ayaa lagu sheegayaa inay ka mid yihiin, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo dhammaantood doonaya in ciidamadooda Somalia joogaa ay fuliyaan waxyaabo aanu midowga Afrika waxba ka ogayn.

 

Isku soo wada duuboo Midowga Afrika ayaa waxaa laga sugayaa in ay wax ka qabato caqabada soo wajahday ee uu shaqadiisa uga tagay Danjire Mohamed Salah Annadif oo ah Wakiilka midowga Afrika ee Sooomaaliya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed