Puntland Oo Dhaqdhaqaaq Ciidan Iyo Dhiillo Colaadeed Ka Wadda Xudduudda Somaliland ay La Leedahay, iyo Wufuud Si Isdaba Joog ah u Booqanaya Ciidamadooda
Tukarraq:June,19,2014(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland, ayaa Go’aansaday inay Dhaqdhaqaaqyo ciidan ka baabulaan Deegaanada Galbeedka iyo xuduudaha ay leedahay Somaliland.
Dhaqdhaqaaqyadan oo muddooyinkan dambeba socday, ayaa kuwoodii ugu dambeeyey waxa Maalintii shalay Ciidamada ku sugan Jiidda Tukarraq ku dhaw soo Booqday wafti ballaadhan oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, waxana ay Halkaas kula Hadleen Ciidamada iyo shacabkaba.
Waftigan ayaa Ciidankooda u sheegay inay diyaar u noqdaan inay dagaal galaan, iyagoo shacabkoodana ugu baaqay inay u guntadaan sidii ay ciidankooda u caawin lahaayeen.
Xubnahan waftiga ahi waxay Halkaas kaga dhawaaqeen in maamulkoodu dagaal diyaar u yahay, iyagoo ku andacoonaya in dhul ka maqan yahay amaba lagu soo xad-dudbay dhul ay xaq u lahaayeen.
Ma aha waftigan shalay oo qudha booqashada madaxda Puntland ay ugu imanayeen Ciidankooda Xuduudda ku sugan, waxase ka horreeyey Booqashooyin kale oo la xidhiidhay abaabul xaalad colaadeed oo halkaas ka aloosanta.
Ciidamada Jooga Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland, ayaa muddooykan ugu dambeeyye ku jira Heegan ay ku muujinayaan inay dagaal u guntan yihiin, waxana Madaxda sare ee Maamulkaas ka soo baxaya dhawaaqyo xambaarsan dhiillo colaadeed oo ay ku kicinayaan dadka deeganadaas ku sugan.
Somaliland oo ah cidda dagaalkan la sheegayo lagu soo wado ayaan wali wax hadal oo dhiillo leh ka soo saarin xaaladda Deeganadaas, waxana ay ciidamadeedu u joogaan Qaab iska caadi ah oo aanay xaalad dagaal ka muuqanin.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com