|

Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa Nabad Sugida Somalia oo Lagu Khaarajiyay Degmada Wada Jir ee Muqdisho

Muqdisho 18.June 2014 (SDN/QJ)- Sarkaal ka tirsanaa ciidamada nabad-sugidda qaranka ayaa maanta kooxo hubeysan ay ku dileen agagaarka xaafada Korontada degamada Wada-jir ee gobolka Banaadir.

Goob-joogeyaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dilka Sarkaalka Nabad Sugidda ah oo lagu magacaabi jiray  Casey Xasan Xeyle, Iyadoo goobta ay isaga baxsadeen ragii dilka geestay, oo la sheegay in ay ku hubaysnaayeen bastoolado.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda ayaa gaaray goobta uu ka dhacay dilka, kuwaas oo bilaabay howlgallo baaritaano ah.

Dilkaan ayaa noqonayaa kii ugu horreyey ee dhowaanahaan ka dhaca degmada Wadjir, wuxuuna ku soo beegmay xilli maamulka Gobolka Banaadir ay sheegeen in si weyn loo adkeeyey ammaanka guud ahaan gobolka Banaadir.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed