|

Qarax Gaadhi Oo Adeegsaday Oo Maanta Ka Dhacay Gudaha Cisbitaalka Kesaney Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

keesa_3Muqdisho:18,June,2014 (SDN/QJ)- Faah Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saakay ka dhacay gudaha Isbitaalka Keesaney ee Duleedka Magaalada Muwdisho ,kaa oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dad rayid ah.

 

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaadhi loogu soo xidhay mid kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka Keesaney oo lagu Magacaabo Dr Cabdi Qaadir Xooga , waxa uuna qaraxu dhacay xili uu gaariga doonayay in uu kasoo baxo Isbitaalka Keesaney.

 

Inta la xaqiijiyay hal qof oo lasocday dhaqtarka kana mid ahaa Howlwadeenada Jaamacada SIU ayaa ku dhintay Qaraxaaasi , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qarxaaasi dad kusugnaa gudaha Isbitaalka kuwaa oo u badnaa dad la joogay bukaano Isbitaalka jiifa.

 

Ma jiro ilaahada cid sheegatay Masuuliyada qaraxa ka dhacay Isbitaalka Keesaney , qaraxyada gaadiidka la isugu xidho ayaa noqday mudooyinkii dambe kuwa kusoo badanaya gudaha Magaalada Muqdisho.

 

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed