Wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Oo Maanta Hor Tagtay Gudiga Deegaanka Iyo Khayraadka Ee Golaha Wakiiladda
Hargeysa:18,June,2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga,ayaa maanta hortagtay Gudiga Arimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ee Golaha Wakiiladda Jamuuriyda Somaliland.
Wasiirka oo kulanka ka dib la hadashay Warbaahinta ayaa ka Warbixisay Ujeedada kulanka Maanta.waxaana ay Wasiirku sheegtay inay Maanta Halkan ku timid balan ay wada laghaayeen Gudiga oo Xidhiidh dhawi ka dhaaxeeyo,iyada oo intaas ku dartay inay jiraan Shuruuc ay Wasaaradeedu leedahay oo ay Gudigani Gacanta ku hayaan.
Waxaana ay si weyn u Amaantay Xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhaxeeya laba dhinac oo ay ku Sifaysay mid Wax ku ool ah.
Dhinaca kale waxay ka warantay Xidhiidhka ka dhaxeeya Haaya’adaha kale eek u Foogan Arimaha Deegaanka dalka,oo ay ku tilmaantay inay ka midaysan yihiin Daryeelka iyo wax u qabashadda Deegaanka iyo ka hortaga wax kasta oo waxyeelo ku keenaya Deegaan ka iyo Fayo-qabkiisa.
SDN/QJ-Hargaysa