Maxaa Kala Qabsaday Ciyaartii Xalay ee Xulka Marti geliyay Koobka Adduunka ee Brazil Iyo Mexico
Brazil 18.June 2014 (SDN/QJ)- Xulka Waddanka Brazil Ayaanan Ku Soo Bandhigin Garoonka Estadio Castelao, Ciyaar Lagu Qanco, Kaddib Markii Ay Kooxda Mexico Ay La Dhaafi WaydayBarbaro Ebar Iyo Ebar Ah, Waxaana Ciyaarta Aad Uga Dhex Muuqday Goolhayaha Mexico Ee Guillermo Ochoa.
Kooxda Tababare Luiz Felipe Scolari, Ayaanan Soo Bandhigin Ciyaartii Laga Filayay Markii Ay Magaalada Fortaleza Kula Ciyaareen Xulka Mexico.
Weeraryahan Neymar Iyo Kabtanka Thiago Silva Ayaa Helay Fursadihii Brazil Ee Ugu Wanaagsanaa Intii Ay Socotay Ciyaarta Balse Waxaa Taasi Diiday Goolhaye Ochoa.
Goolhayaha Ayaa Badbaadiyay Lix Fursadood Oo Gool Loo Fishay, Mana Jiro Goolhaye Ka Ciyaaray Ciyaaraha Adduunka Oo Sidaa Oo Kale U Ciyaaray Marka Laga Reebo Ciyaaryahanka Goolka Ugu Jira Xulka Qaranka Aljeeriya Oo Isna Lix Fursadood Ka Badbaadiyay Xulka Belgium-Ka Oo Ay Xalay Wada Ciyaareen.
Mexico Ayaanan Difaac Kaliya Ku Ekaan Ee Dhowr Jeer Ayey Tijaabiyeen Goolhayaha Brazil, Julio Cesar, Oo Fursadii Ugu Fiicneyd Waxaa Helay Ciyaaryahanka Badalka Ku Soo Galay Ee Raul Jiminez.
Natiijada Ciyaarta Ayaa Labada Kooxba Waxa Ay Ka Dhigtay In Ay Heli Karaan Fursad Ay Ku Hogaamiyaan Kooxaha Ku Jira Group A-Da.
Brazil Ayaa 26-Kii Ciyaarood Ee Ugu Dambeyay Ee Ay U Safato Koobka Adduunka Waxa Ay Barbaro Ebar Iyo Ebar Ah Gashay 2 Kulan Oo Kaliya.
Saddexdii Ciyaarood Ee Kulankan Ka Horreyey Ee Ay La Yeelatay Mexico-Na Brazil Waxa Ay Ku Badisay 11 Gool.
Brazil Ayaa Ciyaarta Ugu Dambeysa Guruubka Waxa Ay Magaalada Brasilia Kula Ciyaari Doontaa Xulka Cameroon, Haddii Ay Halkaa Dhibic Ka Helaana Waxa Ay U Soo Gudbi Doonaan Wareega Labaad Ee Tartanka.
Brazil SDN/QJ
contact@qurbejoog.com