Police-ka dalka Ciraaq oo dilay Hogaamiye Islami ah oo Soomaali ah
Diyala June 18,2014(SDN/QJ)-ciidamada Police-ka ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay dileen hogaamiyaha kooxada Ilaamiyiinta ee ISIL oo ka hawlgala dalalka Ciraaq iyo Syria.
Dilkan ayaa ka dhacay gobolka Diyala maalinimadii shalay ka dib kolkii Police-ku ay isku dayeen in ay qabtaan Abu Ayoub al-Somali.
Madaxa Police-ka Gobolka Diyala Gen. Jameel al-Shammary ayaa saxaafada u sheegay in ay dileen al-Somali ka dib kolkii ay ku guuldareysteen in ay qabtaan.
Al-Somali iyo nin la socday oo Syria u dhashay ayaa Police-ku ka warheleen halka uu ku sugnaa ka dib kolkii ay Police-ka u sheegeen koox Islaamiyiin ah oo la qabtay.
Balse Aby Ayoub al-Somali iyo ninkii la socday ayaa police-ka diiday in ay isku dhiibaan ka dibna rasaas furay, Police-ka ayaa ka dibna toogasho ku dilay.
Ciidmada ayaa waxa ay ka dib waxa ay gacanta ku dhigeen lacag, hub iyo computer uu watay al-Somali iyo ninkii la socday ee la dilay.
Waaa markii u horeysay ee la shaaciyo ama laga war helo in ruux Soomalai ah uu madax ka yahay kooxaha Islamiyiinta caalamka.
SDN/QJ-Diyala
contact@somalidiasporanews.com