|

Goob Lagu Daawanayey Ciyaaraha Koobka Adduunka Dalka Nigeria Oo La Qarxiyey

Yobo:June,18,2014(SDN/QJ)-Qarax xooggan ayaa lala Eegtay Goob lagu daawanayey ciyaaraha Koobka adduunka oo ku taalla dalka Nigeria.

dhaliiShaqaale ka tirsan xarun caafimaad oo ku taala dalka Nigeria ayaa warbaahinta u sheegay in dad dhaawacyo kala duwan qaba lagu daweynayo halkaasi, iyadoo la arkayey dad kale oo Halkaas ku dhintay.

“Dadka dhaawacmay ayaanan sheegi Karin sababtoo ah ma tiring karo”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah shaqaalaha xarumaha caafimaadka ee gobolka Yobo ee dalka Nigeria, waxaana qaraxa ka dhacay uu ka dhacay Damaturu.

Sadddex gobol oo ku yaala waqooyiga dalka Nigeria ayaa waxaa hore loogu soo rogay xaalad deg deg, kadib markii go’aankaasi uu qaatay madaxweynaha dalkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ruuxa isqarxiyay uu watay mooto saddex lugooley ah, wuxuuna la galay goob ciyaar lagu daawanayay, waxaana ciyaarta ay daawanayeen dadkaasi ay u dhaxeysay Brazil iyo Mexico.

Kooxaha Qaraxyada Geystay ayaa inta Badan xilliyadan badhtilmaameedsada Gobaha ciyaaraha koobka adduunka lagu daawanayo, waxana jira Dalal badan oo si weyn iskaga ilaalinaya Qaraxyo lagu qaada Dadkooda ciyaaraha daawanaya.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed