Dhakhaatiir iyo Kal-kaaliyeyaal Ay Qaadanaysay Wasaaradda Xannaanada Xooluhu oo Imtixaan ay Hay’ada Shaqaaluhu ka qaaday
Hargaysa 18.June 2014 (SDN/QJ)- Hayada Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland,ayaa Imtixaan ka qaaday dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal caafimaadka Xoolaha ah oo ay shaqaale ahaan u qaadanaysay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Somaliland.
Imtixaanka laga qaadayay dhakhaatiirta Xannaanada Xooluhu ay qaadanaysay oo ay u oo fadhiisteen 16 dhakhtar,ayaa lagu qaatay 8 dhakhtar oo markii ay Wasaaraddu u baahnayn isla markaana loo tartamayay,intaa ka dibna waxaa la guda galay in imtixaan laga qaado 17 kal-kaaliye caafimaadka Xoolaha ah oo isla goobta Imtixaanka lagaga qaadayay lagu dhaariyay 4 dhakhtar oo imtixaanka ka qaayay.
Waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha hayada shaqaalaha Dawladda oo halkaa ka hadlay,ayaa sheegay in ay muhiimadda Koobaad saaayaan in la helo dhakhaatiir Caafimaadka Xoolaha aqoon sare u leh oo daboolaha baahida caafimaadka Xoolaha ee aynu u baahannahay.
“Waxaanu culayska saarnay in ay soo baxaan dhakhaatiir karti leh oo hanan kara baahiyaha caafimaadka Xoolaha ee aynu u baahannahay,sababtoo ah Xooluhu waa lafdhabarka dhaqaalaha dalkeenna markaa in loo helo dhakhaatiir xoolaad oo kaalintaa buuxiya waxaa lagama maarmaan noqotay in aanu ka horraysiino dhamaan shaqaalihii kale ee ay wasaaradda Xannaanada Xooluhu qaadanaysay oo u badnaa qaybaha xafiisyada,imikana waxaa imtixaankan laga qaadayaa 8 dhakhtar iyo 17 kal-kaaliye oo ka hawl gali doona dhammaan dalka oo dhan.” Ayuu yidhi Nuux Sheekh Muuse Ducaale Guddoomiyaha hayada Shaqaalaha Dawladda Somaliland.
Hargaysa SDN/QJ
contact@somalidiasporanews.com