Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Oo Goor Dhawayd U Duulay Magaaladda Nairobi,Xili Ay Halkaasi Ka Dhacayaan Weeraro Lagu Hoobtay
Muqdisho:17,June,2014(SDN/QJ)- R/Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw waxa ay ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ,iyaga oo kusii jeeda Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Wafdiga R/Wasaaraha Soomaaliya hogaaminayay ee ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde waxaa sii sagootiyay R/Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ,xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo waayadan Muqdisho kusugan.
Wali faah faahin rasmi ah lagama hayo safarka R/Wasaaraha Soomaaliya uu ku aaday dalka Kenya iyo ujeedka socdaalkiisa , waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Xukuumada ay ka warbixiso.
R/Wasaaraha Soomaaliya ayaa safaro kala duwan ku kala bixiyay dalal dibada ah waxa uuna la kulmay Masuuliyiin iyo madax katirsan Wadamada uu safarada ku tagay.
Safarkiisan galabta ayaa ku soo beegmaya Xili ay Kenya ka dhacayaan Qaraxyo iyo Weeraro lagu hoobtay oo loo tuhunsanyahay inay ka danbeeyaan Kooxda Al-Shabaab.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com