|

Somaliland Maamulka Qudha ee Jawaab waafi ah siiyay shisheeyaha faro geliya arimahooda

Hargeysa June 17,2014(SDN/QJ)-Dawlada Somaliland ayaa maalinimadii shalay jawaab waafi ah ka bixiyay hadalo farogelin ahaa oo ka soo yeedhay qarbiga.

Hadaladan oo Soomaalida isku heysa degaanada Sool iyo Sanaag lagu farayay in ay ciidamadooda kala baxaan.

Somaliland ayaa noqotay ta qura ee tiraba Dhawr jeer ka jawaabta farogelinta shisheeye ee sida tooska ah u farogeliya siyaasadaha Soomaalida ee isku mutaxan.

Hadalada ka soo yeeray reer Galbeedka Ayaan farogelin ugu muuqan maamulada Khaatumo iyo Puntland oo dhankooda ka sheegta talada Sool iyo Sanaag.

Somaliland ayaa dhamaan dhinacyada siyaasadu cadeeyeen in aaney cidna u daba joogsan doonin talada degaanadooda.

Reer Galbeedka Ayaan u baran in Soomaalidu jawaab waafi ah siiso kolka ay arrimahooda soo farogeliyaa, mana cada sida ay u qaadan doonaan.

Waxase tilaabadan ay dhiirigelin iyo guul u tahay dadka Soomaaliyeed ee weli aaminsan in Soomaalidu weli leedahay dad u jawaabi kara cid walba oo arimoooda si khaldan u faro geliya.

Sidoo kale waxa ay muujineysaa tilaabada reer Galbeedka loogu jawaabay in qadiyada Somaliland tahay mid ay unkeen isla markaana difaacaan shacabka iyo dawlada Somaliland.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

Comments are closed