Maamulka Puntland Oo Dawladda Yemen La Galay Heshiis Ka Baxsay Awooddiisa Maamul-Goboleednimo
Garoowe:June,17,2014(SDN/QJ)-Maamul-goboleedka Puntland, ayaa u muuqata mid dhinac martay kamid ahaanshaheedii dhinaca Dawladda Federalka, waxana ay Gashay Heshiis Madax Bannaan la Xidhiidha Arrimaha Kalluumaysiga.
Maamulka ayaa Heshiis La galay Dawladda Yemen, waxana u dhigayaa in Kalluumeysatada Yeman ay ka jilaabeystaan xeebaha maamulkaasi hoos yimaada, ee dalka Soomaaliya iyadoo aan waxba laga Waydiinin Dawladda Federalka ah.
Heshiiskan ayaa waxaa dhinaca Puntland u saxeexay wasiirka kalluumeysiga Puntland, Xasan Maxamuud oo safar ku jooga dalka Yemen, isagoo sheegay inuu heshiiskan yahay mid qayb ka ah iskaashiga Puntland iyo Yemen.
Dowladda Yeman ayaa waxaa heshiiskan u saxeexay Wasiirka kalluumeysiga waxaana markii saxeexu uu dhacay ay labada wasiir sheegeen in heshiiskan uu qayb ka yahay iskaashiga dhinaca kalluumsiga ee labada dhinac.
Dowladda Dhexe ee Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskan wax war ah ka hayn, iyadoo aan la ogeyn in heshiiskani uu ku koobnaan doono mid kaluumeysatada Yeman ku ekaan doonaan xeebaha Puntland hoos yimaada iyo in kale.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com