OGEYSIIS: Shir lagu dooran doono guddi horumarineed oo hoggaamisa beesha Ciidagale ee deggen Carriga Ingiriiska
Bismillaahi Arramanirraxeem. Mudanayaal iyo marwooyinka sharafta iyo maammuuska naga mudan waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.
Waxaanu ogaysiinaynaa haddaanu nahay guddidii qabanqaabada shirka ee uu magacabaay guddoomiyaha gudida xilka haatan haysa mudane Abokor Maxamed Shukri ee uu ku iclaamiyey warbaahinta,kuna suntanayd taariikhda 4/6/2014.
Waxaanu ku wargelinayna beesha Daa,ud Isamacil ( Ciidagale) ee deggen carriga dalkan Ingiriiska in ay beeshu shir ku qabsan doonto magaalada london bishan June 21/2014, Shirkaas oo ay beeshu ku dooran doonto Guddi beddesha midda haatan xilka haysa oo wakhtigi ka dhammaaday ,waxa kale oo lagaga wada hadli doona arrimo khuseeya beesha iyo kala war qaadasho.
Waxaanu si sharaf iyo maamuus leh uga codsanayaa dhammaan bulshada beeshan qaybaheeda kala duwan ee ku ku nool dalkan ingiriiska in ay wakhtigooda u soo huraan kana soo wada qayb galaan shirkaas oo ahmiyad qiima la taaban karo leh,gaarahaan haweenka oo ah laf dhabarta dhalasho iyo dhaxdinba.
Taariikhda: qabsoomida shirka Sabti, 21/06/2014
SAACADDA : shirku wuxuu bilaabmaya 2 Duhurnimo.
fadlan ha la dhawro wakhtiga hana laga soo horreeyo si shirku xilligiisa u bilaabmo.
Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh.
Deeq Cabdi Digale
MOBILE: 07946819571
Cabdulqaadir Cali Baraar.
Mobile:07411176242
Sahra ismaciil xasan.
Mobile:07944754130
Foosiya Cismaan Cawaale
Mobile:07950837595
1) Deeq Cabdi digaale —- Bolton
3) Daahir ismaciil xaaji aden —Birmingham
4) Cabdi cabdilaahi mooge —- London
5) Mustafe cabdilaahi ismaaciil — London
6) Maxamed cabdi oomaar—London
7)Cabdi qaadir cali baraar– Bristol
8) Cabdi salaam sh axmed ali — London
9) Mawliid axmed iidaan — London
10) Amina xaashi guuleed — London
11) Sahra ismaciil xasan — London
12) Fardowsa aden koodbuur — London
13) Ifrah maxamed baaruud — London
14) Hodan sultaan rashiid — London
15) Foosiya cismaan cawaale — London
Allaa mahad leh