|

Qalinjabintii Ardayda Shaqaalaha Dawlada Somaliland ee Jaamacada Ethiopian Civil Service University Magacyada Ardayda+SAWIRO

Addis ababa 17.June 2014 (SDN/QJ)- Arday tiradoodu dhantahay 20 arday, oo ka kala socday wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawlada Jamhuuriyada Somaaliland ayaa , xaflad sagootin ah loogu sameeyay Holka shirarka Jaamacada Ethiopian Civil Service University (ECSU).

Ardaydan oo iskugu-jirta kuwo ka qalin jabiyay, heerka darajada labaad ee Jaamacada Masters degree program tiradooduna tahay 15 arday iyo heerka darajada koowaad ee Jaamacada Bachelor degree tiradooduna tahay 5 arday, isla markaasna takhasusaadkoodu kala haa: Public Management, Public Policy, Public Financial Management, Tax and Customs Administration, Urban Planning and Management, and Development Economics, ayaa lagu sii macasaalaameeyay Jaamacada ECSU.

Xafladii sagootinta waxaa kala qaybgalay, masuuliyiin iyo madax sare oo reer Somaliland ah iyo Martisharaf badan oo ka socotay Qoomiyadaha kala duwan ee dalka Ethiopia. Masuuliyiinta madashaas ka soo qaybgashay waxaa ka mid ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Md. Aadan Nuux Dhuule, Wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Agaasime ku-xigeenka Mac-hadka Shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Guuleed Saleeban Axmed.

Ugu horayn, Gudoomiyaha Ardayda reer Somaliland ee Jaamacada Ethiopian Civil Service University Md. Xasan Maxamed Askar, ayaa u mahad celiyay masuuliyiinta reer Somaliland ee madashaas ka soo xaadiray, sidoo kale waxa uu dardaaran iyo duco ku sagootiyay ardayda ka qalin jabinaysa jaamacada, oo uu kula dardarmay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan dalkoodii hooyo iyo dadkooda. Sidoo kale Md. Xasan Maxamed Askar waxa uu kula dardaarmay madaxdii reer somaliland ee madashaa ka soo qayb-gashay in dhalinyaradaa dawlada wax u soo baratay fursad loo siiyo in ay isbadal dalka ka sameeyaan gaar ahaan dhinaca hay’adaha dawlada oo laga faa’iidaysto xoogaa  aqoonta  iyo khibrada u leh baylahda qaranka.

Waxaa isna halkaas ka khudbad dheer oo qiimo leh ka soo jeediyay Agaasime kuxigeenka Mac-hadka Shaqaalaha Dawlada Mudane Guleed Saleeban, oo isagu ka socday Mac-hadkii dawlada uga wakiilka ahaa kobcinta tayada shaqaalaha dawlada, islamarkaasna ahaa masuul aad ugu dhuundaloolay duruufihii ardayda iyo xidhiidhka jaamacada ay ardaydani ka baxeen ECSU.

Waxa uu balanqaaday in Mac-hadku noqondoono saldhig fursad u siiya ardayda qalin-jabinaysa iyo kuwa soo socdaba in ay aqoontoodii u gudbiyaan dawlada Somaliland isla markaasna ay u faa’iideeyaan shaqaalihii kale ee dawlada ee aan fursada u helin in ay jaamacadan ka baxaan. Md. Guuleed, waxa uu sidoo kale kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan khibradii ay ka korodhsadeen intii ay ku sugnaayeen Ethiopia sida; in ay iskuduubnaadaan, in aqoontu midayso oo ay qabyaalada iyo wax kasta oo sumcad xumo ku ah nafahooda iyo dalkoodaba ay la dagaalamaan. Md. Guuleed oo isaga laftiisu ahaa arday ka soo noqday dalka Talyaaniga oo uu masters degree ka soo diyaariyay Torino University, waxa uu kula dardaarmay in ay aqoontooda sii wataan oo ay kor usii qaadaan.

Sidoo kale waxaa dardaaran iyo duco intaba iskugu daray ardayda qalin jabinaysay Md. Mustafe Cabdi Jaamac, oo ku hadlayay magaca ardayda sii sagootiyaysay, isaga oo ku amaanay ardaydaas dadaalkoodii iyo sida ay hormuudka ugu ahaayeen ardayda jaamacada kula jirta ee Ethiopia iyo South Sudan intaba. Isagoo halkaas amaan gaar ah u soo jeediyay ardaydii safka hore kaga-jirtay darajo ahaan kuliyadihii ay dhiganayeen, waxaa kale oo uu tilmaamay in ay iyaguna ku dayan doonaan.

Waxaa isna halkaas ka hadlay mid ka mida Ardayda Qalin-jabinaysay Md. Yuusuf Maxamed Cabdi oo kamid ahaa masuuliyiintii dhinaca kastamada ee Wasaarada Maaliyada, ayaa balanqaaday in ay aqoontooda iyo khibradoodaba uga faa’iidayndoonaan dalkoodii hooyo, sidoo kalena ardayda jaamacada ka baxaysa iyo kuwa kusii jiraba kula dardaarmay in ay dadaal is badal la yimaadaan. Sidoo kale waxaa madashaas ka hadashay Marwo Ubax Maxamed Maxamuud iyo Axmed Ali Diiriye oo iyaguna ka mid ahaa Ardaydii ka Qalin Jabinaysay Jaamacada oo iyaguna ku dardaarmay in ardaydan wax-baratay is-badal nololeed iyo mid dhaqaalaba la yimaadaan, sidoo kalana ugu baaqay in fursad loo siiyo in ay ka midho dhaliyaan isbadalka ay ku hamiyayaan oo xilal wax ku oola laga siiyo hay’adaha dawlada.

Guntii iyo gunaanadkii waxaa isna halkaas ka hadlay Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, oo ahaa wasiirkii hore ee wasaarada Arimaha Dibada Somaliland, oo ka sheekeeyay wax-barashada iyo qiimaheeda iyo waayihii wax-barasho ee yaraantiisii. Waxa uu sidoo kale ka xogwaramay khibradiisii shaqo iyo duruufaha hay’adaha dawlada iyo aradka ka haysta dhinaca aqoonta shaqaalaha oo uu sheegay in ay dalkooda uga faa’iideeyaan aqoonta ay kasbadeen,

Md. Ducaale waxa uu kula dardaarmay ardaydaas in ay isku duubnaadaan oo ay hamigooda ka midho dhaliyaan, isagoo tilmaamay in ay hamigooda kaga midho dhalin karaan kaliya isku duubni iyo in ay joogto isku xidhiidhiyaan (Network). Md. Ducaale waxa uu sheegay in ay  qabyaaladu tahay Kansar (cancer) aan dawo lahayn oo naafeeyay dawlad nimadeena iyo tayada hay’adaha Somaliland, isagoo si gaara uga sheekeeyay khibradiisii dheerayd ee uu u lahaa hay’adihii kala duwanaa ee uu madaxa ka soo ahaa xukuumadihii Madaxwayne Maxamed Ibrahim Cigaal iyo Md. Daahir Rayaale Kaahin. Md.  Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa wax lagu faano ku tilmaamay xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia isla markaasna ku dardaarmay in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, waxa uu sidoo kale amaanay sumcada iyo sharafta jaamacada ECSU ee ay ardaydani ka baxayaan oo uu ku tilmaamay in ay tahay jaamacadan aanay Ethiopia oo kaliya lahayn ee ay tahay jaamacad dadaal ugu jirtay kobcinta Xirfada Shaqaalaha Geeska Africa, isaga oo tilmaamay in uu dawlada South Sudan  kula taliyay in ay Jaamacadaas uga faa’iidaystaan sida ay Dawlada Somaliland uga faa’iidaysatay oo ay shaqaalahooda ku soo xareeyaan.

Ugu danbayntii waxaa isna halkaas ka hadlay Md. Aadan Nuux Dhuule oo ah Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia, oo taariikh dheer halkaas ka soo jeediyay isaga oo tilmaamay in 20 kaas arday wax wayn ka badali karaan jawiga hay’adaha Somaliland iyo xirfada shaqaalaha intaba isaga oo tusaale ugu soo qaatay 5 tii nin ee ugu horeeyay waxbarashada gayiga Somaliyeed ee uu madaxda u ahaa Maxamuud Axmed Cali iyo Macalin Jaamac oo tilmaamay inuu ahaa macalinkii ugu horeeyay ee Koonfurta Somaliyeed dadka wax ku bara.

Waxa uu u mahad celiyay dawlada Ethiopia iyo Madaxwaynaha Jaamacada ECSU oo uu sheegay in ay abaal wayn ugu hayaan xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal dhinacyada siyaasada, ganacsiga iyo waxbarashada. Mudane Aadan Nuux waxa uu ardayda kula dardaarmay in ay gudaan abaalka ay labada dal u galeen. Waxaanu shahaado sharaf iyo abaal marino gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore ka galay kuliyadahooda isagoo ku amaanay dadaalka dheeraadka ah ee ay sameeyeen.

 

Liiska Magacyada Ardayda

  1. Amaal Sulayman Axmed :                         Masters of Public Policy
  2. Asad Maxamuud Dawaare :                       Masters of Public Financial Management
  3. Axmed Ali Diiriye  :                                  Bachelor of Tax and Customs Administration
  4. Axmed Jamac  Cabdi :                                Bachelor of Public Financial Management
  5. Cabdikariim Maxamed Daa’uud :               Masters of International Law
  6. Cabdiqadir Kaamil Ibrahim :                       Masters of Public Management
  7. Ciise Maxamuud Ciise :                               Masters of Development Economics
  8. Cumar Iid Qalonbi :                                      Masters of Public Management
  9. Fasal Maxamed H. Nuur :                            Bachelor of Public Financial Management
  10. Hamse Muxumed Faarax :                            Masters of Public Financial Management
  11. Hodan Axmed Adan :                                   Masters of Public Management
  12. Maxamed Cabdillaahi Cali :                          Masters of Public Financial Management
  13. Maxamed Haruun Cabdillaahi :                     Masters of Public Financial Management
  14. Mubaarik Cabdillaahi Ibrahim :                     Masters of Development Economics
  15. Siciid Farax Xaashi :                                      Bachelar of Development Management
  16. Ubax Maxamed Maxamuud :                         Masters of Public Management
  17. Xamse Cabdi Cali :                                       Bachelor of Tax and Customs Administration
  18. Xuseen Cabdiraxman Cige :                          Masters of Public Management
  19. Xuseen Ismaciil Xayd :                                 Masters of Urban Planning and Management
  20. Yuusuf Maxamed Cabdi :                             Masters of Public Management

1 2 Created with Nokia Smart Cam 4 5 Created with Nokia Smart Cam Created with Nokia Smart Cam 8 9 10

Addis Ababa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed