“Waddankayaga Al-shabaab ma joogto Xaasha, jeelasha ayey joogtaa, dawladayada ma soo galaan” Wasiirka Madaxtooyada {DHAGAYSO}
Hargaysa 16.June 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inay Somaliland xuduudaheeda difaacayso waxkasta iyo qiimo kasta oo ay ku kacayso, isla markaana ay la mid yihiin xuduudaha caalamka.
Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana ay ka mid ahaayeen Wasiirka qorsheynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, iyo Wasiirka dib-u-dejinta Axmed Cali Kaahin (Casood) ayaa maanta gelinkii danbe dalka dib ugu soo noqday, kadib markii ay soo dhameysteen safar ay muddo sadex cisho ah ugu maqnaayeen dalka Jabuuti.
Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka waramay safarkii uu ku tagay dalka Jabuuti waxyaabaha uga soo qabsoomay,waxaanu yidhi “Somaliland waxay difaacaysaa xuduudaheeda, Somaliland wax kasta iyo qiimaha kasta oo ay ku tagto xuduudaheeda way difaacaysaa,xuduudaheedu maanta ma dhalan Somaliland waxay leedahay xuduudo la mida xuduudaha caalamka ee ah kuwii uu ka tagay Guumeystuhu”
Wasiir Xirsi waxa uu ku dooday inaanay dalka Somaliland joogin Al-Shabaab, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Waddankayaga Al-shabaab ma joogto Xaasha, jeelasha ayey joogtaa, dawladayada ma soo galaan, waanu la dagaalanaa oo jeelasha ayey noogu jiraan,haday iyagu iska celin kari-waayeen cadowgooda,waxaanu leenahay waa cadow caalamiya annaguna waanu iska celinaynaa.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/WasiirXirsi17.mp3″]
GUJI HALKAN OO RADIO QURBEJOOG KA DHAGAYSO HADALKII WASIIRKA MADAXTOOYADA
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com