Erya, Erya, Eryaay, Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin
Halku dhiga maqaalkan aynu u soo qaadanay ‘Erya, erya, eryaay, waxay midhahani ka mid ahaayeen hees waddani ahayd oo lagu guubaabinayey ciidamada soomaaliyeed 1977-kii, markii ay Soomaaliya dagaalka la gashay waddanka Itoobiya, waxaanay ka mid ahayd heesihii ugu muhiimsanaa, ee ciidanka iyo ummadda soomaaliyeed-ba ku dhiirigalinayey dagaalka, oo ay hobaladda waabairi ku luuqayn jireen kuna dagaal galinayeen ciidanka, islamarkaana dadkii mideeyey, , waxaanay ahayd heesihii qiirada lahaa ee lagula dagaalamayey Itoobiya, iyadoo adduunku isbeddelayo maalin walba, oo maanta aanay Itoobiya iyo Somaliland ka dhaxayn wax xumaan ahi, oo uu xidhiidhkeenu fiican yahay. Ayaa waxaan u soo qaatay dhibaato wayn oo jirta oo dhinaca bulshada ah, oo diinteena iyo dhaqankeenaba kharribaysa, mujtamaceenana gaadhsiisay waxyeello weyn oo maantaba la dareemi karayo, islamarkaana wax ka qabasho deg-deg ah u baahan. cidii wax ka qabaataana taariikhda meel wayn ay ka gali doonto.
Arrintaas aynu ka hadlayno wax ka qabashadeeda waxa u guntatay, oo u baxday qof dumara, oo la odhan yidhaahdo Sahra Cabdi Ciid, dumarkuna ay u bixiyeen Sahra Miciin. Markaa waxaynu tilmaami doonnaa dariiqa ay u martay gabadhani waxqabadkeedii ku wajahnaa yaraynta dhibaatooyinka dumarka haysta iyo daryeelida dumarka.
sidaynu wada ognahay waxa magaalooyinka Somalialnd ka buuxa dumar jaadka iibiya, oo nooc walba leh, oo da’ walba leh, waxaanay iskugu jiraan kuwo hablo ah , kuwo reero leh, kuwo islaamo ah. Waxaanay kollayada qaadka ay ku iibinayaan soo dul-fadhiistaan ilaa 8:00AM subaxnimo, waxaanay fadhiyaan ilaa 10:00PM habeenimo, iyadoo taasina ay keentay markii ay raggu ka soo bixi waayeen waajibaadkii ka saarnaa qoyska. sideedabana Somaliland dumarka ku nool ilaahay ha u gargaaree waxa ku jira kuwa cajiiba, oo dhinacna carruurtooda ka korinaya, dhinacna wax ka baranaya, dhinacna daryeelaaya qofka xanuusanaya ama qofka jeelka ku jira ama taageeraya ciddii tabaalaysan. Waxaana dhammaaday wakhtigii dumarku guryaha ay iska fadhiyi jireen, ee ay saacado badan ka sheekaysan jireen tanaa la furay iyo tanaa la guursaday, waxaana wakhtigan dumarku ku mashquulsan yihiin wixii danahooda ah, waxaana aynu soo qaadan doonaa mid ka mid ah dumarkaa, oo iyadu ka mid ahayd kuwa ilaahay ka badbaadiyey inay jaad iibiso, islamarkaana Ilaahay nasiib u siiyey inay noqoto qof dumarka wax u qabata, gabadhan waxa la odhan jiray sidaynu kor ku xusnay Sahra Cabdi Ciid (Sahra Miciin), waxaanay dhalatay 1957kii, gabadhaasi wuxuu Ilaahay iskugu daray quruxdeeda, dherer, jidh-dhisan, miisaan-dhexdhexaad ah, sidoo kale, wuxuu Ilaahay siiyey xoolo, Tacliin iyo qoys muxtarima, oo Ilaahay xoolo ku manaystay awoow ilaa ka awoow, waana qof dumara oo shaqsiyadeeda iyo dadnimadeeduba ay dhisan tahay dhinac walba, haybad, karaamo iyo akhlaaq wanaagsan uu Ilaahay siiyey, islamarkaana loo dhamaystiray quruxda qarsoon ee qofnimo, sida dulqaadka, samirka, dabeecad-wanaaga, maskax-wanaaga, firfircoonida iyo kartida, inkasta oo aynaan gabadhan qiimaheeda ku halkan ku dhamayn karayn waxaynu ku soo koobi inta aynu sheegnay. markaa 1960-kii markii aynu gobonimada qaadannay, ee ay isku biireen Somaliland iyo Soomaaliya, islamarkaana ay dhalatay dowladdii ugu horraysay ee Jamhuuriyadii wixii laysku odhan jiray Soomaaliya, waxa Sahra Miciin aabbaheed ka mid noqday safiiradii ugu horreeyey ee la magacaabay, waxaana loo magacaabay safiirka kiiniya, markii ay u guureen Kiiniya waxa Sahra lagu daray iskuulada ugu fiican ee dalkaasi lahaa, aabbeheedna carruur wuxuu dhalay kaligeed, markii uu muddo ahaa safiirka kiiniya waxa markii dambe loo beddelay aabbeheed safiirka dalka talyaaniga, oo dowladda soomaaliya aad ay iskugu wanaagsanaayeen, aabbeheed-na wuxuu ahaa nin taf ah oo hawlo badan dhex gala, wuxuuna ahaa nin mutacalim ah oo jaamacadda Hardford university ka soo baxay horaantii 1950kii, isagoo markaa bartay ganacsiga (Business) waxaanu isku waday shaqada dowladda iyo ganacsi uu gaar u leeyahay, halkaasna wuxuu ka sameeyey lacag badan waxaanu noqday taajir (millionaire). sidoo kale muddo ka bacdi waxa loo beddelay Sahra Aabbeheed waddanka Masaarida, Sahri waxay halkaa ka gashay Jaamaca Azhar, waxaanay ka baratay sharciga islaamka, halkaas oo ay joogeen 5 sannadood, waxaana loo beddelay dalka safiirka dalka Faransiiska, iyadoo Sahra iyo hooyadeed ay deggan yihiin dalka Masar, oo halkaa ay jaamacadda kaga jirtay, markii ay dhamaystay cilmiga diinta Islaamka waxay kaga daba-tageen waddanka Faransiiska halkaas oo ay muddo wada joogeen. Intaa kabacdi waxa loo beddelay 1980kii safiirka inuu ka noqdo dalka Maraykanka gaar ahaan Jumciyadda Quruumaha ka Dhaxaysa, halkaas oo uu reerkiisu u soo guuray, iyadoo meel kasta oo loo beddelo dadka lacagta leh, dadka madaxda ah iyo siyaasiyiintu maka ay casuumaan Ambasadorka wuxuu inantiisa Sahra u sii gaxaysan jiray inay u raacdo casuumadahaas, halkaas oo ay ku baratay madax badan iyo dad adduunka ka caana iyo xidhiidhka caalamiga ahba, intaa kadib shaqadii u dambaysay ee safiirnimo wuxuu ka qabtay dalka Itoobiya 1985kii, markaa Sahra Cabdi Ciid, oo la socotay aabbeheed, islamarkaana aan ahayn sida dumarka kale ee Soomaalida, dumarka ku habsaama sheeko dumarta, sidoo kalena, waxay ka werweri jirtay guurka inuu ka xumaado, oo ay halkaa ku niyad jabto. Calaf ma baaqdee, intii ay Itoobiya Sahra joogtay waxay iska heleen nin reer Somaliland ah oo Injineer biyaha ah, la-taliyena u ahaa Hay’adda UNICEF, halkaasna waxay isku guursadeen Sahra Cabdi Ciid, waxaanay ubad kala heleen wiil iyo gabadh, wax yar kabacdi, ayaa isaga iyo Sahra aabbeheed wakhti isku dhow ay geeriyoodeen, waxaana sahra aabbeheed halkaa kaga dhammaatay 1990kii soddon sannadood oo uu ahaa safiir, iyadoo intaa uu kolba waddan safiir ka noqonayey uu inantiisa Sahra baray nidaamka casriga ah ee adduunku u shaqeeyo, waxa kale oo ay kordhisatay inay afaf badan ku hadasho sida Carabiga, Sawaaxiliga, Amxaariga, Faransiiska, Talyaaniga iyo Ingiriisiga, iyadoo gacanta midigtana ku haysata diinta Islaamka ee ay baratay,waxaanay afafkaa kala duwan baratay intii ay joogtay dalalkaas. Waxaany lahayd haybad gaara oo rag iyo dumar marka ay la hadlayso ay shiiqayaan, oo awood ka wayni oo iyada wajigeeda iyo hadalkeeda ka muuqataa ay awoodda dadka kale shiiqin jirtay, ta kale waxay ahayd qof khatara oo dadka la shaqaynayaana aanay siri karayn, oo ka horraysa, maadaama ay maskax badnayd, haddaba markii ay waddanka ku soo noqotay, ee uu aabbeheed geeriyooday waxay noqotay inay iyadu ganacsigii iyo meheradihii aabbeheed ay iyadu maamusho. Muddo markii ay indho-indhaysay xaaladaha nololeed ee waddanka gaarahaan haweenka waxay aragtay, oo ay la fajacday dumarka Jaadka iibinaya, ee ragguna daba fadhiyaan, markii ay arrintaa u kuurgashayna waxay la yaabtay qofkan dumara ee 12 saacadood wax ka badan jaadka iibinaysa, ee dul fadhida kolayga, ee 7 nin ilaa 8 nina daba fadhiyaan, nimankaasna la yidhaa naanaystooda ‘Dhuuso-nuug’ markii loo sheegayna ay qosol aad ugu dhacday, waxayna aad ula sii yaabtay qofkan dumarka ah, ee reerkeedii iyo ubadkeedii dayacan yihiin ee ay iyaduna suuqa fadhido si ay ugu raadiso quutal-daruuriga, iyadoo dhibaatooyinkii jaadku lahaa loogu sii kordhiyey kuwo kale, oo ka dhib badan , xitaa aanay samay karayn jimicsi is kala bixin ah intaa ay fadhido, oo mar walba jidhkeedu tigtigan yahay, arrintaasi ayey Sahra Cabdi Ciid ka seexan kari wayday habeenkii , waxaanay noqotay wax maskaxdeeda ku soo noqnoqata, waxaanay ka Dhaka-faartay arxandarrida ragga, waxaanay go’aansatay inay wax ka qabato arrintaa, mar-walba oo ay soo xusuusatana murugo iyo qosol ayaa iskugu yimaada, waxaanay maskaxda ka sawiratay qof dumara iyo 8 nin oo silsilad birra lagu jabiyey. Lasoco Axadda dambe…….
Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email: fatxisulub@gmail.coml.com Tel:4426781 Qormadii 17aad