|

“Ninkii Shabaabnimo lagu helo hadal la’aan waala tooganayaa” Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Somliya

tuuuMuqdisho:16,June,2014(SDN/QJ)-  Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa wuxuu sheegay inay go’aan adag ka qaateen ragga ka midka ah Ururka Al Shabaab.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan nin kasta oo ka mid noqdo Ururka Al Shabaab, iyadoo uu meesha ka saaray wax la yidhaahdo masuq maasuq dambe.

“Shacabka waxaan u sheegayaa maanta wixii ka dambeeya qof aad hubtaan oo la soo qabtay, oo xageena soo gaaray inuu dib idinku soo noqdo, waad ka ciideysaneysaan.” ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Sida.

“Waxaan dhici doonin qof iska xukuman oo hadana dhowr bilood ama xilligii loogu talla galay, xilli ka badan iska xiran ma jiri doono, sidoo kale waxaan jiri doonin qof iska xiran oo aan waxba loo heysan, hadana iska xiran, xoriyadiisiina weynaaya. Maxaa yeelay Muwaadin weeye qofka la soo qabtay Muwaadin weeye anagana nala mid ah, sharaf leh.”

Maxamed C/raxmaan Tuuryare.wazxa uu intaas ku daray oo uu yidhi:

“Waxaan lee nahay askariga Sharciga uu askarigu ka dhigay ee qoriga siiyay, rasaas la siiyay ee Qaranka waardiyeey la yiri shacabkii la yiri waardiyee ee isbaaro u dhigta, meeshuu isbaarada dhigtay godkiisa haka qoto baan lee nahay.”
C/raxmaan Tuuryare oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Saraakiisha Dowladda ugu yeedhay inay soo sheegaan goobaha isbaarooyinka la soo dhigto, si ay tallaabo deg deg ah kaga qaadaan.

.

SDN/QJ-Muqdisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed