|

Dagaal Xoogan Oo Saaka Magaaladda Kismaayo Ku Dhexmaray Ciidamo Kawada Tirsan Kuwa Maamulka Ku Meel Gaadhka Ah Ee Jubba

dagaal3Kismaayo:16,June,2014(SDN/QJ)-  Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhaliyay Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ,kaa oo u dhaxeeyay Ciidamo kawada tirsan Maamulka Jubba.

Goob joogayaal kusugan Magaalada Kismaayo ayaa ku waramay in dagaalka uu ka dhashay Askari dilay askari kale , waxaana xiligaa kadib goobta gurmad ku yimid ciidamo ay is xigeen askariga la dilay oo dagaal la galay ciidamo kale oo xigta ay yihiin askariga dilka geestay.

Dagaal culus oo mudo daqiiqado ah socday ayaa dhex maray labada ciidan ee kawada tirsan Maamulka KMG ee Jubba , Dagaalka ayaa ahaa mid si weyn looga dareemay gudaha Magaalada Kismaayo , waxa uuna samaeyn badan ku yeeshay halkii uu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay ilaa Sadax qof ayaa ku dhintay dagaalkaasi ka dhacay Magaalada Kismayao , waxaa sidoo kale jira dhaawacyo aan tiradooda wali laheyn , xaalada ayaana hada ah mid xoogaa dagan waxaana la sheegay in lakala dhax galay ciidamadii dagaalamay.

 

 

Maamulka Jubba oo iyagu gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ayana wali wax war ah kasoo saarin dagaalka maanta dhax maray Ciidamo kawada tirsan Maamulkaasi, waxaana la filayaa in saraakiisha Maamulka Jubba ay war kasoo saaraan dagaalkaasi waqtiyada soo aadan.

.

SDN/QJ-Kismaayo

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed