|

Israel oo Xamas ku eedeysay afduubka sadex dhalinyaro ah oo maalmo la la’yahay

Tel-Aviv June 16,2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Israel ayaa urur siyaasadeedka Xamaan ee dhawaanta heshiiska la galay xukuumada Falastiin ku eedeysay in ay afduubteen sadex dhalin yaro ah.

Eedan oo uu shaaciya raiisul wasaaraha Yuhuuda Benjamin Natenyahu ayaa durba xiisad ka dhex abuurtay dawlada reer Galbeedku ictiraafsan yahay iyo dawlada Israel.

“Maalinimadii Khamiista ayaa waxa ay kooxda Argegixisada ah ee Xamaas waxa ay afduubteen sadex dhalinyaradeena ka mid ah,waana xaqiiqo,dafiraada Xamaasna waxba ka bedeli meyso xaqaaiqa: ayuu yiri Raiisul wasaaraha Yuuudu.

Natenyahu Ayaan soo bandhigin wax cadeyn ah oo muujinaya in dhalinyartan ay qafaasheen xisbiga Xamaas.

Sadexdan ruux ee dhalinyarada ah oo da’adoodu tahay dhawr iyo toban jirada ayaa la afduuubtay maalinimadii khamiista xili ay ka soo noqonayeen dugsi wax barasho oo ku yaal daanta Galbeed.

Mid ka mid ah dhalintan la waayay ayaa Police-ka  fariin ah in la qafaashay u soo diray habeenimadii la waayay.

Ciidamada Israel ayaa baaritaano ay ka sameeyeen daanta Galbeed waxa ay ku xirxireen taageereyaal ka Tirsan Xamaas oo tiradooda lagu sheegay ilaa 60 ruux.

SDN/QJ-Tel-Aviv

 contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed