|

Nabad-sugidda Somalia Oo Xabsiga U Taxaabtay Siyaasi Cali-Daacuun Oo Madaxweynaha Dhaliilihiisa Badiyey

Muqdisho:16,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga Cali Maxamed Axmed (Cali daacuun) oo ka soo jeeda somaliland, balse Mabda’a Somali-weyn Aaminsan ayaa la sheegayaa in Habeenkii xalay lagu Afduubtay Magaalada Muqdisho.

ali daacuunSida ay xaqiijiyeen Siyaasiyiinta ay isku fikirka ahaayeen Cali Daacuun, waxa kacaystay Ciidamo loo malaynayo inay Nabad-sugid ahaayeen, kuwaas oo ka kaxaystay Gurigiisa oo ku Yaalla Agagaarka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Cali Daacuun ayaa xubin muhiim ah ka ah dhaqdhaqaaqyada mucaaridnimo ee lagaga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Sheekh, waxana uu si Joogto ah warbaahinta u mariyaa Dhaliilo ka dhan ah Madaxweynaha.

Afduubkan Cusub ee Loo Geystay Cali Daacuun, ayaa Loo Nisbaynayaa Hadal uu Maalintii shalay Warbaahinta Mariyey oo uu kaga soo horjeeday Hoggaaminta MadaxweyneXasan sheikh.

Wali lama Oga halka Lagu Xidhay Siyaasi Cali Max’ed Axmed cali Daacuun oo ah Siyaasi si weyn uga soo horjeeda Siyaasada uu wax ku Maamulo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

 Contact@somalidasporanews.com

Comments are closed