|

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha” Madaxweyne Siilaanyo

Hargaysa 16.June 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Somalilland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa meesha ka saaray in dalkiisu xuduud la wadaago Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana waxa uu hoosta ka xariiqay in Ciidanka Qaranku ilaalin doonaan Xuduudaha dalkiisu la wadaago waddanka Soomaaliya.

siilaanyo-2Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo  qoraal uu arrintaas kaga hadlayey ku baahiyey Bartiisa uu Internet-ka ku leeyahay ee Twitter, ayaa sheegay in Somaliland leedahay xuduudo cayiman oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya, basle aanay jirin xad ay wadaagaan Maamul-goboleedka Puntland.

Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ku baahiyey bartiisa Twitter waxa uu ku yidhi sidan:-

“Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago dalka Soomaaliya”,Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Madaxweyne Siilaanyo

Jawaabtan Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib markii ay Ciidanka Qaranka Somaliland gaadheen degmada Taleex ee gobolka Sool oo ay gacan ku-haynteeda si buuxda u la wareegeen.

Sidoo kale Qoraalka Madaxweynaha Somaliland ayaa Jawaab u noqonaya Hadal uu Maalintii Shalay Warbaahinta Siiyay Madaxweyne Xigeenka Maamulka Punt land oo ku dooday in Degmada Taleex ay Tahay Dhulka Punt land.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed