Nuxurka Kulan ay Maanta Wada Yeesheen Wasiirka Madaxtooyada Somaliland iyo Wasiirka arrimaha Dibada ee Jabuuti iyo Safiirka Turkiga ee Jabuuti
Jabuti 15.June 2014 (SDN/QJ)-Wasiirka madaxtooyada jsl Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugan dalka jabuuti ayaa maanta kulamo layeeshay wasiirka arimaha dibada jabuti iyo safiirka turkiga u fadhiya jabuti.
Wasiirka ayaa Kulamadan Ujeedadooda ku sheegay is Xog Waraysi iyo Kulamo Xoojin ah Sidaasna waxa aanu ka soo Xiganay Barta uu ku leeyahay Shabakada Isku xidhka Bulshada ee Face Book waxaanu u dhignaa Sidan:-
Kulamo Xoojin iyo Xog Waraysi ah oo aan maanta la qaadanay Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabouti iyo Safiirka Turkey-ga u Fadhiya Jabouti
“Somaliland waa Dal ay naga dhaxayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo is dhex Bulsho” Waxaa Sidaa Yidhi Wasiirka Arrimaha Dibeda Dawlada ee dalka Jabouti
“Dawlada Turkey-ga iyo Somaliland waxaa ka dhaxaysa Taariikh dheer oo ku dhisan islaanimo iyo Walaalnimo” Safiirka Turkeyga u qaabilsan Jabouti
Waxay ahayd maanta kadib markaan kulamo gaar-gaar ah la kala qaadanay Wasiirka Wassaradda Arrimaha Dibeda ee Dawlada aynu jaarka nahay ee Jabouti iyo Safiirka Turkey-ga u qaabilsan dalka Jabouti
Kulankii Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabouti
Kulankan ayaa ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibeda ee dalka Jabouti, guud ahaan wuxuu ahaa kulan u daaran isxog siin , xoojinta xidhiidhka labada dal iyo dardar gelinta jidka isku xidhi doonaa Jabouti iyo Zaylac
Sidoo kale waxaanu kala hadalnay sidii dawlada Jabouti ay dhankeeda taageero iyo dardar gelin uuga gaysan lahayd hirgelinta jidkaas isku xidhi doona labada dal
Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibeda ee dalka Jabouti Mudane, Maxamed Cali Yuusuf ayaa dhankiisa si dareen gacaltooyo iyo xidhiidh dawladeed ku dheehan tahay noo qaabilay isla markaana dhankiisa adkeeyey sida dawlada Jabouti ay marwalba uuga go’an tahay kor u qaadida xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Jabouti isla markaana dareen fiican ku soo dhaweeyey hirgalinta jidkan
Wasiirka ayaa ku dheeraday xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal isagoo sheegay in Dawlada Somaliland iyo Jabouti ay yihiin laba dal oo ay ka dhaxayso Walaalnimo, Jaarnimo iyo isdhex bulsho
Intaas kadib waxaanu kulan ka qabsoomay Safaraada Dawlada Turkey-gu ku leedahay dalka Jabouti la qaadanay Safiirka Dawlada Turkey-ga u fadhiya Jabouti
Ugu horayn waxaanu si qoto dheer uuga xog waranay xidhiidhka dheer ee Somaliland iyo dawlada Turkey-ga ka dhaxeeya iyo muhiimada jidka isku xidhaya Jibouti iyo Zaylac ee ay hirgalintiisa balan qaadeen dawlada Turkey-gu
Safiirka ayaa dhankiisa cabiray qiimaha iyo dareenka uu u hayo shacabka ku dhaqan Somaliland isagoo si qoto dheer uuga waramay xidhiidhka taariikheed, diimeed iyo walaalnimo ee ka dhaxeeya labada dal
Sidoo kale wuxuu nooga waramay qorshayaasha dawlada turkey-ga ee ku aadan dib u dhiska iyo dayactirka goobaha taariikhiga ah ee Zaylac iyo hirgalinta jidka isku xidhi doonaa Zaylac iyo Jabouti
Guud ahaan safarkan oo muhiimadiisu ahayd dabagalka Jidka Isku Xidhaya Zaylac iyo Jabouti oo aanu horay balanqaadkiisa uuga haysanay dawlada Turkey iyo abaabulka, dardar gelinta iyo gogol xaadhka jidka isku xidhaya Zaylac iyo Borama ayaa noogu soo dhamaaday rajo fiican iyo diyaar garow xoog badan,
Shacabka reer Somaliland meel ay jooganba waxaan ku bogaadinaya sida damiirkoodu uugu soo jeedo dhismaha dalka iyo taabo gelinta Qaranka
Wa BIlaahi Tawfiiq.
Jabuti SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com