Sarkaal Ka Tirsan Madaxda Shabaabka Oo Lagu Dilay Gobolka Bay
Goof-Gaduud:June,15,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Degmada Goof-gaduud oo 30Km dhinaca Koonfurta uga Beegan Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in habeenkii xalay lagu Dilay Hoggaamiy sare oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.
Hoggoomiyahan dilkiisa la sheegayo oo magciisa lagu soo gaabiyey Bashiir ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo maleeshiyada Shabaab isku dayeen in ay ku waxyeeleeyaan saldhig ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaankaas.
Guddoomiyah deegaanka Goof-gaduud ee maamulka Dowladda Soomaaliya Axmed Max’ed Adan ayaa sheegay in ciidamada dowladda iska caabiyaan weerarka lagu soo qaaday, ayna Shabaab kaga dileen dhowr maleeshiyo oo uu ka mid yahay horjoogahaas.
Axmed Maxamed Aadan ayaa intaa ku daray in ciidanka dowladda Soomaaliya aanay wax khasaare ah ka soo gaadhin weerarkaas marka laga reebo askari ciidanka ka tirsan oo dhaawac fudud soo gaadhay.
Guddoomiyaha ayaa tilmamaay in ay ku raad joogaan kooxihii weerarka soo qaaday, ayna isku dayi doonaan in ay soo qabtaan.
Ma jiro wax warar ah oo xaqiijinaya dilka Hoggaamiyahan oo ka soo Baxay dhinaca kooxda Al-shabaab, warkuna waxa uu ku Kooban yahay dhinaca dawladda Dawladda Federalka ah.
SDN/QJ
Contact@qurbejoog.com