|

“Dawladda waxan leeyahay ciidan waxba laguma xallilo ee caqligu ha shaqeeyo,Gogoshii madaxweynahana wax aan wax yeelllin ayaa la rabaa” Boqor Buur Madow

Hargeysa:June,15,2014(SDN/QJ)-Boqor cismaan aw  Maxamuud Buur madow oo ka tirsan Madax-dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ku Baaqay in nabad lagu doono Gobolada Bariga ee dhawaan Ciidamada Somaliland Galeen.

buurmaowBoqorka oo u warramayey Horn Cable Tv ayaa  tilmaamay in taleex shaqaaqo ka taagan tahay, isla-markaana loo Baahan yahay nabadda tixgelin la siiyo.

Waxa uu Boqorku sheegay inaan loo Baahnayyn in awood ciidan lagu gaadhi Karin xal waara, isagoo ku baaqay in turxaan bixinta Macquul ah la sameeyo, “maalmahan shaqaaqooyin baa ka oogan taleex iyo sax-dheer, xukuumaddana waxan leeyahay ciidan waxba laguma xallilo dadkuna waa dad walaalo,” ayuu yidhi Boqor cismaan Buur-madow.

Waxa uu Boqorku sheegay in loo Baahan yahay inaan la carsha-carshayn Gogoshii Nabadaynta ee uu Madaxweyne Siilaanyo hore ugu Baaqay in Xal lagaga Doonayo Dhibka ka taagan Gobollo ka tirsan Bariga Somaliland, waxana uu yidhi, “waxan leeyahay awoodda  saara nabadayn, dibu heshiisiin iyo turxaan bixin, wax ciidan iyo awood ahna marnaba yaan la isticmaalin, dawladdana waxan leeyahay caqligu ha shaqeeyo, diyaarna waxanu u nahay inaanu gacan idinka siino,Gogoshii madaxweynaha wax aan wax yeelllin ayaa la rabaa”

Hadalkan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Buur-madow ayaa iminaya xilli ciidamada qaranka Somaliland ay laba maalmood ka hor Gacanta ku  dhigeen Deegaanada Taleex iyo Saax-dheer oo ay Kooxaha Khaatumo dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed