Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa Oo Buux-dhaafay, Qaybo ka mid ah Oo Kiro-u-joog Noqday iyo Dhibaatada Haysata Danyarta Cudurradu Aafeeyeen
Hargeysa:June,15,2014(SDN/QJ)-Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo ah midka ugu weyn Somaliland, isla-markaana la dhigi jirey Bukaanka Gebi ahaan Somaliland iyo Meelo kaleba laga Keeno ayaa Haatan buux-dhaafay oo meel dadkii la dhigo la Lal’yahay.
Cisbitaalka ayaa sariirihii yaallay ay noqdeen kuwo dhammaantood ay bukaan ku jiifaan, waxana muddo Toddobaad ah laga La’aa Hal sariir ah oo Bannaan, sida aanu ku xaqiijinay U Kuur-gal aanu ku samaynay.
Dadka Cisbtaalka ka Buuxa ayaa u badan kuwa ay dhibaato ka Haysato jajab lafaha ka soo gaadhay, kuwaas oo iskugu jira Qaar shilal ku burburay iyo dadka waayeel u badan oo ku jajabay Marmarka Aqallada la dhigto oo ay ku siibteen.
Sida ay qurbejoog.com Xaqiijisay ma jiro cudur ama xanuun xilligan six ad-dhaaf ah dadka u soo daadiyey oo cisbitaalka Buuxiyey, waxase dadka inta ugu badan ee Cisbitaalka jiiftaa ay yihiin qaar jajaban.
Cisbitaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey waxa lagu sameeyey waxoogaa dib-u-dhis kooban ah, iyadoo qaybo ka mid ah gaar ahaan qaybta Haweenka iyo carruurta wax lagu kordhiyey, balse wali lama Hayo wax dhisme ah oo loo kordhiyey qaybaha xumadda, Gargaarka Degdegga ah iyo jajabka, waxana qaybahaasi ay noqdeen qaar buux dhaafa oo aanay jirin meel dadka la kala dhigaa.
Midka mid ah Ehellada hawlwadeenada qurbejoog.com oo Shil ku dhaawacmay ayaa la geeyye Cisbitaalka Hargeysa, waxana ay hawlwadeenada Caafimaadka ee Halkaas ku sugani noo sheegeen inaanay jirin wax sariir ah oo bannaani, isla-markaana waxa la amray in jiifiyo Qaybta Gargaarka degdegga ah oo uu Haatan wali ku jiro.
Sida aanu ku xaqiijiyey daraasadda aanu arrintan ku samaynay, waxa jira Qaybo ka mid ah Cisbitaalka Hargeysa oo la kiro laga qaado cidkasta oo doonaysa inay Gasho, waxana wali aan cudur-daar loo Haynin sababta loo kiraynayo Cisbitaalka Guud ee Dawladda.
Qaar ka mid ah dadka Bukaankooda la keenayey Cisbitaalka oo aanu Wax ka weydiinay dhibaatada ka taagan Cisbitaalka La sheegayo inuu Buuxo, ayaa si weyn uga cawday Dhibka jira, waxana ay noo xaqiijiyeen in ayaamahanba ay sugayeen sariir la dhigo Bukaanno ay Guryahay ku hayaan oo u baahan inn cisbitaal la dhigo,
“Muddo toddobaadyo ay ayaanu sugaynay inaanu helno sariir si aanu dhigno walaalkay oo Xanuun darani Hayo, kaas oo u baahan cisbitaal, mana hayno wax aanu Cisbitaal Gaar ah ku dhigno masuuliyinta cisbitaalku markii aanu keenay waxay noo sheegeen in kaliya ay bannaan tahay qaybta dambe ee kirada ahi, annaguna ma nihin dad kiro bixin kara. Markaa maalin walba waxanu nimaadnaa Halkan si aanu sariir u helno.” Sidaa waxa tidhi Muna jaamac oo ka mid ah dadka raadinaya sariirta ay dhigaan ehalladooda oo bukaan ah,balse wali la meel ay dhigaan.
Masuuliyiinta cisbitaalka oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa diiday inay si cad uga jawaabaan sababta keentay inuu cisbitaaku Buuxsamo iyo sababta ay kirada uga dhigeen Qaybo muhiim ah oo cisbitaalka ka mid ah, iyadoo ku nadacooday inay arrintani tahay mid mararka qaarkood iska dhacda.
Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeya, ayaa halbawle u ah arrimaha caafimaadka ee Somaliland, waxana inta badan wax mooda oo la dhigaa dadka danyarta ah ee aan awoodin inay tagaan goobaha caafimaadka ee Gaarka loo leeyahay, waxase haatan taagan caqabad aan cidina dhaafi Karin.
Intii aanu Halkaas joognay waxa aanu indhahayaga ku aragnay qaybta Gargaarka degdegga ah oo buuxdhaaftay iyo dad xaaladdoodu aanay sidaad u liidan oo la jiifiyey Halkaas markii loo waayey meel kale oo la dhigo, waxana halkaas ku sugnaa qolyo kormeer ku samaynayey dadka jiifa, kuwaas oo qofka ladan u sheegayey inuu Banneeyo sariirta si qof kale loo dhigo.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@qurbejoog.com