|

Maxaa ka dhaxeeya shirarka jabuuti la yeelanaysay beesha Subeer Awal baryahan danbe iyo yeedhitaanka sirdoonka maraykanku u yeedhay wasiir xirsi

Tan iyo intii dalka Somaliland gacanta u galay xisbiga Kulmiye oo si lama filaan mudh ay ka soo dhex yidhaahdeen caruur iyo dumar aan aqoon siyaasadeed lahayn iyo waayo aragtinimo dawaladeed oo hormood u ka yahay ninka uga awooda badan dawaladan ee aan jago ku magacaabnayn oo la yidhaahdo Mr Baashe cumar aka Morgan iyo xoghayihiisa midig mudane Xirsi oo ay labadoodaba ay daba fadhido oo ay gaashaan u tahay hooyo Amina waris, ayaa isla markiiba dawaladaha jaarka iyo kuwa dunida inta ina taageerta ay ka soo yeedhay qaylo oo sidii finiinta uga booday dadka aan la filayn ee meesha isa soo tubay kuwaas oo xilkii odayga loo doortay ka xayuubiyay ka dib markii ilaahay ha kor qaadee u soo food saaray xanuun kaga yimid dhanka garashada ah.

Waxaa ka dhashay arintan in dalkii galo go’doon iyadoo ay dib uga wada joogsadeen dawaladihii inaga la shaqaynayay gaar ahaan dhanka aminga .

iyadoo sida aan soo sheegay dalkii Somaliland ay gadhwadeen ka noqdeen dad aan hore dawald iyo maamul uga soo shaqayn jirin ayay ku dhaqaaqeen falal iyo siyaasado dalkii oo dhan khatar galiyay oo ahaa inay habeen madaw u dhaceen nin ahaan jiray wasir ku xigeenka aminga ee Somaliland oo dawlada ku tilmaamay inay ku jiraan xubno alshabaab ka tirsan.

Iyadoon eedaynta intaas leeg ee aadka u culus oo ahayd inay dawladu si sharciga waafaqsan iskaga barraxdo eedayntan oo ninkaa si xeerka raacsan loo hor keeno maxkamada ayaa waxa dhacay arrin aan meeshaba laga filayn oo ah in dawladii isku dayday inay ninkii khaarajiso habeen madaw oo gurigii loogu daato halkaa oo caruurtii iyo dumarkiiba lagu jidh dilay hase ahaate aanay tiisii noqon oo loo taxaabay isagoo dhawaac qaba dhankaa iyo jeelasha dawlada.

Arinta ayaa sii xoojisay tuhunkii hore ee jiray oo ahaa in dawldani aanay ka faro madhnayn kooxahaa diimeed ee geeska ka jira. iyadoo ay isku soo beegmeen dhanka kale qaraxyo jabuuti ka dhacay oo dadkii lagu tuhunsanaa ay hargeysa joogeen waa sida wararka sirdoonku sheegayaan, ayaa halkii wax laga sixi lahaa ay dawladan sidii fiidmeerta ka soo go’day gidaar kale, kaas oo ah inay colaysteen oo ay go’aansadeen inay xoog reernimo iyagoo shaadh dawladeed huwan ku muquuniyaan beesha Subeer awal ee ay martida ugu ahaayeen Hargeysa oo lagu tiriyo inay yihiin beeshaa la’aanteed aanu madaxwayne Siranyo kursiga ku guulasyteen.

Iyadooba hadaba la wada ogyahay inay beeshan tahay beel aad u balaadhan oo xidhiidh dawladeed iyo khibradnimo maamuleed leh muddo soo jireena ayaa dawlada Ethiopia iyo Jabuuti gaar ahaan sida wararku sheegayaan dhex marayay baryahan danbe shirar hoosaad la xidhiidha dhacdooyinkan ku soo korday Somaliland iyo gaar ahaan xaalada ammaanka.

Waana arinta lala xidhiidhinayo in sirdoonka maraykanka oo xaruuntiisa guud ee geesku ku taalo jabuuti looga yeedhay wasiir xirsi isagoo lagu tuhunsan yahay inuu ka danbeeyo weerarkii lagu qaaday wasiir ku xigeenkii hore ee Somaliland oo laga yaabo haddii u ka fashilmo waraysigaa in xaalad adag soo waajahdo Somaliland.

Isagoo wasiir xirsi ay socdaalka ku weheliyaan wasiirka kale ee ay gacalka yihiin Sacad cali shire si uu uga caawiyo turjumaada, ayaa waxa xusid mudan in waqti badan lagala taliyay nimakan gadhwadeenka ka ah maamulka Somaliland in siyaasad xumada iyo tubta ay ku taagan yihiin ay khalad tahay oo qabyaalada iyo colaysiga dadka dalkan danaynaya ee dhiigooda iyo maalkoodaba u soo huray ay ka dhalan karto cawaaqib xumo ku timaada xidhiidhka aynu leenahay dawladaha dunida iyo kuwa jaarka ee aynu ku tiirsanahay gaar ahaan dalka jabuuti iyo Ethiopia, oo ay galaafan doonto dadkan dhalinyarta ah ee fadhiya shidka gaadhigan Somaliland.

Anigoo rajaynayaa inay shirarkaa ka soo baxaan wax u dan ah Somaliland ayaan dhanka kale rajaynayaa inuu wasiir xirsi ogaado in maamul dawladeed aan lagu wadi Karin hab dhaqanka bariga burco iyo qabiil caabudka dhiiga kaga jira oo gar iyo gardaraba isku raacsan iyadoo qof kaste oo Somaliland ah u muuqato in dalkii iyo dantii qaranimo ay mugdi sii galayso oo kolba dhagax wado lagula ordaa kaa furdaamin doonin go’aanada khaldan ee aad qaadanaysid, hase ahaate ay dawladnimada iyo maaraynteedu ka xeel dheertahay sida aad mooday, waxaanan rajaynayaa haddii aanu danbi lahayn inuu ilaahay si khayr qaba ugu fudaydiyo wareysigaas.

 

Cumar cali

 

 

Comments are closed