“Uma Hogaansamayo Go’aankii Reeraysnaa,Waxaanu ka Tashan doonaa Halkaanu Codkayaga Marin doono” Weedhihii laga Jeediyay Madal lagu Taageerayay Gudoomiye Muuse Biixi {DHAGAYSO}
Hargaysa 14.June 2014 (SDN/QJ)- Siyaasiyiin, iyo aqoon yahano ka soo jeeda Beesha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ayaa Kulan ay ku yeesheen Huteel Crown ee Caasimada Hargaysa Waxay ku Cadeeyeen inaanay u Hogaansamayn Go’aankii Ay Gudidii Golaha Guurtida ku rideen Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kaas oo ay ku Tilmaameen Go’aan Reeraysnaa.
Waxaa kale oo ay Xubnahani Carabka ku Xejiyeen in Beel ahaan ay ka Tashanayaan halka ay Codkooda Marin doonaan Doorashada Soo Socota iyagoo Xusay in Sidii ay ugu Liseen Madaxweyne Siilaanyo aanu ugu Hanbayn.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALADII LAGA JEEDIYAY GOOBTAAS
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SubeerAwal14J.mp3″]
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com