Ujeedada Socdaal Maanta Maanta Uu Madaxweynaha Puntland Ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta
Boosaaso:14,June,2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntlad iyo wefdi uu horkacaayo, ayaa waxay maanta safar ugu kicitameen dalka Imaaraadka Carabta, ka dib markii ay casuumaad ka heleen.
Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo Saxaafada kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in casuumaad ay u soo dirayn Madaxda Imaaraadka Carabta, isla-markaana ay ka jawaabayaan.
Madaxweynaha Puntland, ayaa intaa ku daray inay ka wada hadli doonaan xidhiidhka Puntland iyo Imaaraadka Carabta, loona sii xoojin lahaa iskaashiga ay lee yihiin labada dhinac.
Mar wax laga weydiiyay arrinta ku aadan qabsashada Ciidanka Somaliland ee Degmada Taleex, ayaa wuxuu sheegay in mar kale ay Puntland diyaar u tahay inay difaacdo buu yidhi dadkeeda.
Madaxweyne Gaas kuma dheeraan qabsashada Somaliland ee Degmada Taleex, iyadoo Somaliland ay horey u sheegtay inaanay gorgortan ka geli doonin xuduudaheeda.
SDN/QJ-Boosaaso
contact@somalidiasporanews.com