|

Shabaabka Oo Dab Qabadsiiyay Gaadhi Dad Rayid Ahi Saarnaayeen, Dhamaan Dadkiina Duurka La Galay Iyo Gudoomiyaha Degmadda Qoryoolay Oo Ka Hadlay

qorQoryoolay:14,June,2014(SDN/QJ)- Xoogaga Al Shabaab, ayaa waxay maanta fal qafaal leh ay kula kaceen dad rayid ah, oo la socday gaadhi nooca Caasiga ah, xilli uu 20 ruux ka soo qaaday Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Magaalada Qoryoolay.

Afduubkaan, ayaa wuxuu ka dhacay aagga Buulo Sheekh oo dhaca duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo Shabaabku ay gubeen gaarigii ay dadkan la socdeen.

Sidoo kale Shabaabka, ayaa waxay dadkaan ula dhaqaaqeen dhinaca Degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer, isla-markaana lama garanaayo waxa keenay in Shabaabku qafaashaan dad shacab ah.

Cismaan Maxamed Buraale, Gudoomiyaha Degmada Qoryooley ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa wuxuu wax layaab leh uu ku tilmaamay qafaalka ay xilligaan geysteen mintidiinta Shabaabka.

 

Dadkaan oo rag iyo dumarba isugu jira, ayaa waxay ka mid ahaayeen bulshoweynta ku dhaqan Degmada Qoryooley, oo 22-kii bishii Maarso dagaal loogala wareegay Ururka Al Shabaab.

 

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, ayaa muujiyay inaysan dadkaan ahayn ganacsatada qaadka, maadaama Shabaabka looga bartay inay gubaan gaadiidka sida qaadka.

SDN/QJ-Qoryoolay

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed