|

Golaha Guurtida Oo Fadhigii Maanta Kaga Dooday Xaaladda Arimaha Bulshadda Ee Dalka

faafHargaysa:14,June,2014(SDN/QJ)- Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida Jamuuriyda Somaliland,ayaa Mudanayaashu waxay Dood iyo Faqidaad ka yeesheen Arimaha Bulashada ee Dalka sida: Tahriibta,Waxbarshada,Caafimaadka iyo Biyaha.

Dhinaca Tahriibta ayaa mudanayaashu waxay carabka ku adkeeyeen in dadka Maanta Tahriibayaa ay yihiin dadkii Haynta lahaa ee ilaahay wax siiyay. Waxaana ay usoo jeediyeen Laamaha Amaanka in wax laga qabto Qulka-qulka Tahriibta Dalka.

Dhinaca Waxabarshadda waxay si aad ah Amaan iyo Bogaadin usoo jeediyeen Wasiirka Waxbarshada Jamuuriyada Somaliland Marwo: Samsam Cabdi Aadan,oo ay ku Sifeeyeen Masuul wax qabad Muuqda ka Samaysay intii ay Xafiiska Waxbarashadda Dalka ay Gadh-wadeenka ka ahayd.

Waxa kale oo ay Mudanayaashu ay Doodooda Maanta Diirada ku saareen Xaaladda Caafimaad ee uu haatan dalku marayo,iyaga oo sheegay in Maanta Caafimaadka Dalku marayo meel lagu farxo.taasna ay markhaati u tahay siday yidhaadeen,iyada oo looga soo baqoolo Xarumaha Caafimaad ee Dalka guud ahaanba Gayiga Somalilada ee Geeska Afriga,waxaana ay hoosta mudanayaashu ka xariiqeen Muhiimadda ay leedahay in laga Shaqeeyo Taynta daawada dalka.

Dhinaca Biyaha waxay sheegeen inay jiraan Ceelal badan oo intii Xukuumadda maanta jirtaa Hogaanka dalka haysay,iyaga oo Tusaale usoo qaatay Ceel Biyo Macaan oo laga Qoday Magaalada Badhan.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed