|

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka..Q.5aad

baaaaaaaQormadan manta waxa aan akhristayaasha xasuusinayaa taxanahan inaanan dan gaar ah ka lahayn balse ay tahay dhibaatooyinka ku lingaxan waaxda garsoorka,xeer ilaalinta iyo booliska oo ay ku dhex luntay xuquuqda muwaadinka.

Sababaha keenay in xuquuqda muwaadinka dhulka la jiido waxa ka mid ah:

1.Booliska oo aqoon-darro ka hayso tix-gelinta iyo xaqa muwaadinka

2.Booliska oo anshax xun kula dhaqma muwaadinka.

3.Qaabka muwaadinka loo qabto iyo qaabka saldhig-yada loogu hayo

   oo ka baxsan ilaalinta xuquuda iyo qadarinta uu dastuurku siiyay

   Muwaadinka.

4.Habka baadhitaanka iyo habka muwaadinka loo geeyo maxkamada

   oo aad u liita,baal-marsana ku dhaqanka shuruucda dalka u taal.

5.Xeer ilaalinta oo aan xil iska saarin hubinta baadhitaanka boolisku

   u gudbiyo.Halkaana uu ku lumo xuquuqda muwaadinka.

Hab-dhaqankan gurracan ee aad moodo in laga dhaxlay keli-taliskii

S.Bare.Waana ka mid sababaha leexiyay maamulkii waaxda garsoorka ee abuurtay musuq-maasuq naaxay oo ka dhex jira W.garsoorka.Tusaale,maxaabiista qolol cidhiidhi ah ayaa lagu gura ayadoon la eegin haba yaraatee naadafad xumada ku baahsan saldhigyada gaar ahaan caasimada.Raashin aan la siin inta aan haysan cid dibada cunto uga keena.Silsilad laysugu xidho sida xoolaha hadba inta maxkamada la gaynayo ayaga oo aan afka gelin wax raashin ah ama cabitaan ah.Weliba waxa u dheer caga-juglayn,aflagaado iyo gacan saar loo gaysto maxaabiista.Taa waxa u saara baadhitaan aan si dhab ah loo hubin ayaa maxkamadaha loo gudbiyaa,xeer ilaalinta iyo booliska ayaa xil ka saran-yahay inay dhawraan xuquuqda muwaadinka iyo dhamays tirka dacwadahooda.

Ta kale oo dhibaatooyinka ka dhex jira waaxda garsoorka waxa ka kow ah dayac fara badan oo ay masuul ka tahay xukuumada dalka ka talisa,waana dhinaca maamulka iyo qaab-dhismeedka maxkamadaha.

Nin baa laga hayaa(waar ilayn dhinac loo ciirsadaa).Mid kalana waxa laga hayaa(Garr qaloocan geyi kuma koro).

La Soco……

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

4026100

Hargeysa/JSLbaaaaaaabaaaaaaa

Comments are closed