|

Britain Oo Cabsi Darteed ALbaabada Ugu Laabtay Qunsuliyaddii ay Ku Lahayd Magaalada Mombassa

Mombassa:June,14,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Ingiriiska, ayaa Maalinimadii Jimcaha ee shalay Xidhay qunsiliyaddii ay ku lahayd Dalka Kenya, gaar ahaan Magaalada Mombasa.

conaoSababta loo xidhay Qunsiliyadda ayaa lagu sheegay cabsi si gaar ah looga Qabo Magaaladaaas, iyadoo ay soo baxayaan warar dhiillo leh oo ammaanka magaalada ka dhan ahi.

Dhamaan adeegyadii Qunsuliyada ayaa la sheegay in loo wareejiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay maalintii shalay dowlada UK.

“Iyadoo la tixraacayo isbedelada aan ku sameynay taladdii dhanka safarka Arbacadii, go’aanka ayaa ah xidhitaanka qunsuliyada aan ku laheyn Mombasa”sidaasi ayaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowlada UK.

“Dowlada UK waxaa saaran masuuliyada inay ku wargeliso muwaadiniinteeda inay ka digtoonaadaan hanjabaadaha amniga ee lagu carqaladeynayo danaha reer galbeedka ee dalka Kenya”.sidaasi ayaa sidoo kale qoralka lagu sheegay.

Magaalada Mombasa ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi Kenya oo ay tagaan dadka dalxiisayaasha ah, laakiin waxaa yaraaday dalxiisayaashii halkaasi tagi jiray, markii Alshabaab weeraro kala duwan ay ka geysteen.

Muwaadiniinta UK ayaa looga digay inay u safraan magalooyinka dhanka xeebaha ku yaala ee dalkaasi Kenya, iyadoo laga baqayo weerarada Alshabaab.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed