Nuxurka Kulamo Qarsoodi ah Oo Magaalada Taleex ku Dhex Maray Saraakiisha Ciidanka Qaranka iyo Wax-garadka Deegaanka
Taleex:June,14,2014(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka hoose ee aanu ka Helayno Deegmada Taleex ee Gobolka Sool, waxa Kulamo joogto ah shalay ilaa xalay Halkaas ku Lahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka qaranka somaliland iyo Waxgarad ka soo jeeda Deeganadaas.
Ujeeddada kulamada sida hoos hoosta ah labada dhinac iskugu arkayaan ayaa lagu macneeyey qaar salka ku haya sidii dhibta looga ilaalin lahaa shacabka halkaas ku dhaqan, maadaama ciidamadu magaalada gacanta ku qabteen.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Kulanka Sarakiisha Ciidamada Soomaaliland iyo Odayaasha ee ka dhacay Degmada Taleex lagu soo hadal qaaday sidii looga hortagi lahaa dagaal ka dhaca Degmada taleex ee xarunta u aheyd Maamulka Khaatumo, iyadoona ay Saraakiishu rayi ka dhageysteen Odayaasha.
Saraakiisha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanay dhici doonin in Degmada taleex Dadka lagu dhibaateeyo oo Ciidamada Soomaaliland ay geysataan waxyeelo, waxa Odayaasha ay ka codsadeen inay baraarujiyaan Bulshada si looga hortago Dagaalo dhaca, isla-markaana ay Bulshada faraan in cidda meesha timi ay tahay ciidankoodii oo aanay ahayn cadow.
Sidoo kale waxa ciidanku odayaasha ka codsadeen inay ku soo wargeliyaan saraakiisha sare Hadiiba ay arkaan wax ay qoonsadaan oo la xidhiidha dhibaato dhankooda laga tirsanayo.
Odayaasha ayaa dhankooda sheegay inay u socdaan kaliya sidii Degmada nabad iyo wanaag loo dhalin lahaa, isla-markaana aanay wax dagaal iyo faqalalo ahi uga dhaceen Magaalada iyo dadka deggenba.
Somaliland ayaa laba maalmood ka hor gacanta ku dhigtay degmada Taleex oo ay hore u joogi jireen Maleeshiyada Khaatumo oo haatan ka cararay, waxana Halkaas laga waday Shirar la doonayey in Maamulkaasi kaga tashado Aayihiisa.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com