|

Dagaal iyo Gacan-ka-hadal RRU-da iyo Taageerayaasha Muuse Biixi Xalay ku Dhex Maray Hutel Crown iyo Labada Dhinac Oo Sii Kala Fogaanaya

Hargeysa:June,14,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Sida gaarka ah u tababaran ee RRU-da loo yaqaanno ayaa Habeenkii xalay waxay Galeen Hutel Crown ee Magaalada Hargeysa oo ay dhallinyaro taageersann Musharraxnimada Muuse Biixi ku qabsanayeen Shir.

Ciidamada ayaa dhallinyarada Goobta joogtay ku amray inay joojiyaan waxa ay wadaan, balse ma ay yeelin, waxana goobtii ka Bilaabmay jaafaa-jiriq iyo yooyootan muddo socday.

Ciidamada ayaa isku dayey inay kala dareeriyaan dhallinta, balse taasi may dhicin,waxana dhallinyaradii ay iska caabiyeen ciidankii, waxana ay taasi keentay in arrintu gaadho inay ammaan xumo  ka dhalato goobta.

Xubno sarsare oo uu ka mid ahaa Engineer Maxamed Xaashi ayey qaddar daqiiqado ah ciidamadu ku hortaagnaayeen Masaajid halkaas ku Yaalla, iyagoo isku dayey inay u diidaan ka qaybgalka Munaasibaddan, waxana taas ka cadhooday dhallinta Hawsha wadatay.

Dhinaca kale waxa ay ciidamadu amar siiyeen Mulkiilaha Hutelka Cismaan Cabdilaahi Cigaal (cismaan hindi), waxana ay fareen inaanu dib dambaysa uga kirayn Karin Huteelkiisa cid qabsanaysa Munaasibad Muuse Biixi Lagu Taageerayo.

Muddo saacad ku dhaw markii uu muranka ciidanka iyo dhallinyarada u dhexeeyaa taagnaa ayaa amar xagga sare ka yimi ay ciidankii meesha kaga tageen, waxana si toos ah Halkaas uga dhacday Munaasibaddii oo lagaga hadlay sidii dalka looga saari lahaa xaaladda uu haatan ku jiro.

Isku dhacan ayaa muujinaya sida ay wali labada dhinac ee xisbiga Kulmiye u kala fogaadeen iyo waliba sida aanay suurtagal u ahayn inay dhinayadu u hoggaansamaan awaamiirtii Guurtidu soo saartay, waxana is Barbar socdo munaasibado lagu muujinayo musharaxnimo aan wali xilligeedii la gaadhin.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed