“May ahayn in Cali Waran-cadde oo NSS-tii ina Saleebaan Dafle la Shaqaynayey uu Albaabka inaga Joogsado. Waxayse ahayd in Black list la qoro oo dhammaan……”Eng. Maxamed Xaashi.
Hargeysa:June,14,2014(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhaliilo waaweyn dusha ka Huwiyey Xukuumadda uu Gadh-wadeeenka ka Yahay Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku tilmaamay mid ka shaqaynaysa Cabudhinta Shacabkeeda.
Maxamed Xaashi oo Habeenkii xalay ka Hadlayey munaasibad dhallinyaro taageersan Muuse Biixi Musharraxnimadiisa qabsadeen, ayaa xusay in xukuumaddani caan ku Noqotay wixii hore looga Dagaalamay.
“ Annagu waxanu ahayn qoladii SNM Aas aastay, waxanu ka Gilgilanayna waxay ahayd cabudhintii iyo cago-juglayntii siyaad barre, tii baydin halkan kala kulmi iyadoo siilaanyo ka madax yahay waligay meesha ma soo dhigan,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Waxa uu Maxamed Xaashi ka Digay in cabudhintaasi keento in lagu dumiyo Dawladnimada iyo dedaalkii dheeraa ay shacabku u soo galay dhisitaanka Dalka iyo dadka, waxana uu yidhi,
“Waa nasiib darro in dadkii u soo dagaallamay xorriyad inay helaan inay cabudhis kii oo kale Halkan kala kulmaan, ma jecli inaynu khasaarno oo ammaankii khasaare oo magac xumo inagu dhacdo, waxanu leenahay sharci buu dalku leeyahay”
Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu dhinaca kale ka Hadlay tallaabooyinka ay xukuumaddu kaga hortegayso dhaqdhaqaaqyada Taageerada ah ee Muuse Biixi loo muujinayo, waxana uu si kulul u dhaliilay Cali waran-cadde oo uu ku tilmaamay nin mudan inaan dalkaba shaqo laga siinin, waxana uu yidhi,
“ma ahayn in cali Waran-cadde oo NSS-tii ina Saleebaan Dafle la Shaqaynayey inuu Albaabka inaga Joogsado. Waxayse ahayd in Black list la qoro wax allah wixii nns-tii ahaa ee ina siyaad barre u shaqaynayey inay shaqo dawladeed Halkan ka qabtaanba may ahayn.”
Waxa kale oo uu ka digay in shacabka la kala furfuro oo marka isku dhac yimaaddo ilaa Gudaha Beelaha loo sii galo oo cid gaar ah la dabagalo,
“waxaynu maanta maraynaa in maanta in marka la sameeyo bannaan bax kii shalay Kulmiye loo samaynayey mid la mid ah la sameeyo in xidhxidho dadka oo dabadeena lakala Hayb sooco oo la yidhaadho ninkii Reer Samatar Sheegta waa la Xidhayaa.” Ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Habeenkii xalay waxa Hutel Crown ka dhacay isku dhac dhex maray ciidan xukuumaddu Hutelka Keentay iyo kooxo dhallinyaro ah oo halkaas munaasibad ku qabsanayey, waxana markii dambe dhallinyaradii ku guulaysatay inay qabsadaan munaasibadoodii.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com