Curadii uu Ka Tagay Marxuun MM Kastan oo Saxaafada u Mahadcelisay
Salamu alaykum Amal Mahamed Mahamud Kastam aniga oo ah kuna hadlaya magaca dhaman Qoyska reer kastam gaar ahaan xaaskii iyo ubadkii uu ka tagay Kastam oo aan curad u ahay waxaan mahad naq balaadhan u dirayaa dhamaan bahda media ha ee jamhuuriyada somaliland oo uu ugu horeeyo wasiirka warfaafinta Mahamed Abdilahi Cukuse iyo dhamaan saxaafada kala duwan ee wadanka… aniga oo ah curada marxuun MM Kastam waxan leyahay cid walba wad mahadsantihiin saxaafada ma ilaawi doono siday aabahay aas qaran ugu fidiyeen, sidoo kale waxan u mahad celinaya marka labaad madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland iyo dhaman xukuumada dawlada somaliland… waa waqti murugo badan waxan modayay inuu aabahay naga baxay kaligay laakiin waxan dareemay in uu ka baxay dad badan iyo bulsho badan oo la wada ilmaynaysay geerida oo qaarkood anigu samirka ku dhaamay. inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuun samir iyo iman ilahay ha inaga siiyo