|

Nus malyuun Ciraaqiyiin ah oo ka barakacay Magaalada Mousal waxay sii kordhinayaan dhibaatadii qaxootiga ee ka jirtay Gobolkaasi” Wargayska Wargayska daily Telegraph

London 14.June 2014 (SDN/QJ)- Wargayska daily Telegraph oo wax ka qoray xaaladda adag ee dib uga soo cusboonaatay wadanka ciraaq, taasoo keentay inay Boqolaal kun oo ruux ka baxsadaan magaalooyinkoodii si ay uga nabadgalaan colaadda ka holcaysa halkaasi.

 

 

wargaysku waxa uu baahiyey in ugu yaraan  nus milyan ruux ay ka carareen Magaalada Mousel markii ay kooxo hubaysani qabsadeen magaaladaasi maalintii salaasada ee la soo dhaafay, taasina ay tahay mid sii kordhinaysa dhibaatadii qaxootinimo ee bariga dhexe, iyadoo dad tiradaas la mid ahi ay iyana ka baxsanayaan dalka suuriya kuwaasoo beegsanaya xeryaha qaxootiyada ee dalalka Lubnaan iyo Urdun tan iyo intii uu dalkaasi ka bilaabmay dagaalku muddo haatan laga joogo sadex sanadood.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed