”‘Waxaa jira in dadka deegaanka ee gobollada Sanaag iyo Sool inay iyagu caqabad Soomaaliland ka horeysa noqdey oo laf-dhuungashey ah” Wasiir ku Xigeenka Amniga {DHAGAYSO}
Garowe 13.June 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaadey inay caqabad hortaagan tahay deegaannada Puntland ka maqan in dib loo soo celiyo,waxaana sidoo kale dowladda ay sheegten inaysan suragal ahaayn in ciidamada Puntland la geeyo gobollada xadduudka ku yaalla.
Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland,C/casiis Maxamed Aadan oo maanta arrimahan ka hadlayey waxaa uu sheegay inay jiran caqabadu ku qasbaya dowladda Puntland inaysan ciidamo geyn gollabada ku yaalla xadduudka gaar ahaana Sool iyo Sanaag.
,,”‘Waxaa jira in dadka deegaanka ee gobollada Sanaag iyo Sool inay iyagu caqabad Soomaaliland ka horeysa noqdey oo laf-dhuungashey ah,xadduudka in la difaaco oo cadowga lagasaro iyaga caqabad ku ah ciidan iyo hub bey ku heystan meesha oo hadan aadno way nala dagaallamayan annaguna in dadka reer Puntland,wada dagaallaman doonimeyno,..””ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Puntland,C/casiis Maxamed Aadan.
Waxaa kalo Wasiir ku-xigeenka amniga Puntland,C/casiis Maxamed Aadan uu ku eedeyey Soomaaliland xilliyada ay soo gaaran deegaannada xadduudka inay soo gudbiyaan xoogag ka tirsan Al-shabaab,waxuuna sheegay inay socdan qorshayaal ay dowladda Puntland ku doonayso inay kaga hortagto Soomaaliland iyo Al-shabaab.
Dhinaca kale,isimada Puntland ayaa dhankooda si adag u cambaareyey dhaq-dhaqaaha Soomaaliland ee deegaannada Puntland ay ku soo gaarayan.
Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ah afhayeenka isimada Puntland ayaa dhankiisa sheegey in dowladdu qaaday talaabo macquul ah loogana baahan yahay in ay intaas kaddib gudato waajibka ka saaran xuduudaha.
Afhayeenka ayaa u jeediyey shacabka Puntland in ay ka damqadaan dhibta lagu hayo deeganadooda kale oo ay muuujiyaan dareen rasmi ah iyo isku duubnaan, wuxuu kaloo gardaro ku sifeeyey dhaqdhaaqa Soomaaliland.
Arrintan waxaa ay ku soo aadeysa xilli ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay shaley la wareegen degmada Taleex,inkasto dowladda Puntland ay sheegtey inay difaaceyso xaddudaheeda Soomaaliland ay wado gardaro cad.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO WARBIXIN ARRINTAN KU SAABSAN
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/DifaacaPunt14.mp3″]
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com