|

Gabdhaha Ururka Samafalka Garoodi oo Soo dhaweyn balaaran u sameeyay Wasiirka Caafimaadka Somaliland(SAWIRO)

London June 13,2014(SDN/QJ)-Gabdhaha ururka Samofalka Gaaroodi ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyay Wasiirka caafimaadka Soomaaliland Md Saleebaan Xaglo toosiye.

Soo dhaweynta oo uu wasiirku ka hadlay ayaa waxa uu ka sheegay in ururka samafalka ee Gaaroodi guud ahaan iyo gaar ahaan garabka Haweenka ay yihiin hormuudka wax qabadka qurbejooga Somaliland. wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa u tilmaamay heerka ay haweenku ka tagan yihiin waxqabadka iyo horumarka dalka , Ururka Samafalka Hablaha Garoodi ayaa waxa dhawaan la gudoonsiyey shahado sharaf ay ku mutaysteen waxqabadkooda Gudoomiye ku xigeenka Ururka Asiya oo u waramaysay qurbejoog.com ayaa shegtay inay ku faraxsan tahay inan la kulmaan wasiirka oo qayb libaax ka qatay dhaqtarka salaxlley ee dhismahiisa iyo ay fuliyeen hablaha Garoodi waxa kale oo ay shegtay in uu wasiirku balan qaday sidi uu u sii horumarin lahaa Isbitaalka gabagabadii ayaa waxa wasiirku ugu mahad celiyey Hablaha Garoodi waxa kula taliyey inay sii laban labaan hawsha samafalka ee ay u hayaan bulshada reer somaliland waxana uu shegay in haweenka kale ee somaliland ay ku dayasho sameyaan .habalaha garoodi ayaa iyaguna balan qaday in wasiir kasta oo somaliland ay sidaa u soo dhawayn donaan.

SDN/QJ-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed