China iyo Japan oo xiisad dhul awgeed qir iyo qir isku ah
Beijing June 13, 2014(SDN/QJ)-Dawladaha dalalka Japan iyo China ayaa haatan xiisad siyaasadeed ka dhex aloosan tahay ka dib kolkii ay labada dalba sheegteen badda Konfurta China.
Duyuuradaha labada dal ayaa todobaadyadii u danbeeyay dhoolastusyo isku lidi ah ka sameeynayay badda Konfurta China.
Dalka Japan ayaa dhawaan duyuuradihiisa F-15 waxa ay ku soo dhawaadeen duyuurad ay China leedahay oo nooceedu yahay TU-154.
Dalka China ayaa sheegay in ay duyuuradaha China ay kuwooda u jirsadeen 100 feet isla markaana ay khatar geliyeen ciidamadooda.
Dhacdadan oo arbacadii dhacday ayaa waxa ay kor u qaaday xiisada siyaasadeed ee labada dal ee Japan iyo China.
Labada dal ayaa waxa mudo dheer u dhexeeyay colaado sababay cuqdado kala geeyay labada shacab.
SDN/QJ-Beijing
contact@qurbejoog.com