Qarax Ka Dhacay Magaaladda Gariza Ee Xarunta Waqooyi Bari Ee Kenya,Xili Somalida Kenya Lagu Hayo Gabood-Falo Ka Dhan Ah Aadamaha
Gariza:12,June,2014(SDN/QJ)- Qarax loo adeegsaday bambada nooca gacanta laga gano, ayaa waxa uu xalay ka dhacay Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Qaraxa waxaa lagu weeraray dad hor fadhiyay ilinka hore ee hoygooda, xilli la sheegay in ay halkaasi isaga caweynayeen caweysnimadii xalay.
Dadkan, ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Garissa, waxaana la soo sheegayaa in ay ka soo rayneyso xaaladooda caafimaadeed.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Garissa Charles Kinyua, ayaa waxa uu xaqiijiyay in qaraxaan loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay jirin cid ay weli qaraxaasi u soo qab qabteen, laakiin ay soconayaan baadhitaano ku aadan, si dambiile-yaasha Cadaalada loo horkeeno.
Waxaan jirin cid weli sheegatay Masuuliyada qaraxaan.
SDN/QJ-Gariza
contact@somalidiasporanews.com