|

Siilaanyo iyo muuse biixi-gaad isku haysataan waxa laga la’yahay shan shantii boqol ee ay isku qoreen.Sheekh Aadan Siiro

Hargaysa 12.June 2014 (SDN/QJ)-alla ha u naxariistee waxa goor dhaweyd lagu aasay xabaalaha SH Aadan Siiro (xeedho) marxuum wariye MM KAstam kaasoo shalay ku geeriyooday Hargeysa.

Marxuumka waxa maydkiisa laga qaaday Cisbitaalka weyn ee Hargeysa, halkaas oo meydkiisa la geeyey.

SH Aadan Siiro oo tukinayey wariyayaashii iyo dadweynihii ka soo qayb galay jinaasada marxuumka ayaa ka jeediyeykhudbad uu Ku dhaliilay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye gaar ahaana waxa uu ku eedeeyey inay ka gaabiyeen arrimihii bulshada.

Sheekh Aadan Siiro waxa uu si toos ah farta ugu fiiqay dayaca ka jira cisbitaalka hargeysa iyo xabaalihii dadka lagu aasayey oo buuxsamay. ” waad arkayseen qollkii aynu marxuumka ka soo qaadnay ee Cisbitaalka Hargeysa illaahay bini’aadamka hadii uu nool yahay iyo haddii kaleba wuu karaameeyey, waar wuu dayacan yahay, Cisbitaalkii Hargeysi, inta nin ee tie-ga usoo xidhatay iyo inta landcruiser ee waxay ka shaqeeyaan aanad garanayn ee dul taagana waad arkaysaan” ayuu ydhi.

Sheekh Aadan Siiro isagoo la hadlaya suxufiyiinta waxa uu yidhi ” waar waxaas wax ka qora oo dunida qof baa badbaadiyee dalka badbaadiya oo cid na ha u habranina” mar uu la hadlayey dadweynaha waxa uu yidhi ” afar bilood baan maqnaa xabaalihii way buuxaan waxaan Lix bilood gaadhaynaa baa hadhay meel la idinku aasaa ma jirto, beerta ku xigta xabaalaha ninkii lahaa shan boqol oo kun buu ku diiday, dhulkiina waa la kala yeeshay, Siilaanyo iyo muuse biixi-gaad isku haysataan waxa laga la’yahay shan shantii boqol ee ay isku qoreen markii aanu xabaalahan iibinaynay mooyi meel ay geeyeen hantida ay maamulaan ” ayuu kaga baxay.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed