|

Wararkii ugu Dambeeyey Ee Degmada Taleex Oo Somaliland Gacanta Ugashay iyo Kooxihii shirka Waday oo Kala Yaacay

 

Taleex:June,12,2014(SDN/QJ)-Wararkii ugu Dambeeyey ee naga soo gaadhayey Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa sheegay in ciidamda qaranka Somaliland Cutubyo ka tirsan ay si buuxda Gacanta ugu dhigeen Magaaladaas Taariikhiga ah.

qraeWararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada oo habeenkii xalay u hogday Goob waxyar u jirta magaaladu ay kallahaad ku galeen Magaalada, isla-markaana aanu jirin wax dagaal ah oo ay cidi kala hortimi.

Shacabka ayaa  la sheegayaa inaanay noloshoodii caadiga ahayd waxba iska beddelin, iyadoo ciidamaduna aanu Guaha Magaalada Gelin oo ku sugan yihiin Goobo Hareeraha ka ah, waxase jira warar sheegaya in ciidamadu ku sugan goobaha saldhigyada ahaan jireyee ee Magaalada ku dhexyaallay.

Shirkii Khaatumo  ee Halkaas ka socday, ayaa la sheegayaa inuu istaagay, waxana Dadkii shirkaas Gacanta ku Hayey la sheegayaa inay Hareeraha Magaalada  u yaaceen.

Ma jiro wax dagaal ah oo ay ciidanku la kulmeen, waxana la la’yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen kooxihii maleeshiyada ahaa ee KHaatumo, kuwaas ooh ore magaalada Gacanta ugu hayey.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed