Hadal-haynta Maalmahan: Taag Daran Iyo Taageerooyinka Sawirada. Tirsiga 15aad..Boobe yuusuf Ducaale
Hargeysa:June,12,2014(SDN/QJ)-Ereyga Tag dhowr macne ayuu yeelan karaa. Tag waxa lagu yidhaa dadka marka loo jeedo soco ama baxba. Tag, waxa kale oo loo yaqaannaa nasiibka ama ayaankaba. Mararka aad Xamar joogto Tag waxa kale oo loo yaqaannaa Biti. Halhays ayay iskaga leeyihiin: “Wallaahi yarkaan Biti fiican aas leeyahay.” Ninkii gabyayna waa kii lahaa:
“Tag-san gabadh ah, Toolmoon qurxoon, tuujin iyo qaab leh.” Intaasi waa arar dadab-galkeedii.
Waa xukuumad wanaaggu ku yar yahay oo aad mooddo in ay xumaanta ku dheerayso ama u dhalatayba. Horena waxa loo yidhi: “Waano dhalan baa ka adag.” Waa derbi, daar iyo daw waxay ku faantaa, aan raandhiis lahayn e’ qosol-ku-jab u badan ama lagu tiriyaba. Waxa lagu tirinayo in ay duugtay ama dumisay ayaa ka daran. Waxay daaqadda ka saartay ayaa shishe uga sii durugsan. Dadnimadii ayay dejisay. Damiirkii noolaa ayay dabcigii ka beddeshay oo diir iyo daaniye u digo-rogtay. Dareenkii samaa iyo dunjigii wacnaa ee dadweynaha ayaa dillaal iyo mallaal loogu daw-galay oo dadkiiba ka dhigay wax dalqada indhaha ku leh oo wax ka arka. Daar iyo derbi la dhisaa macno caynkaas ah samayn maayaan. Duunka iyo dunta wanaagsan ee shacbiga oo la barbaariyo ayaa ka fiican. Diinta iyo dhaqanka oo la dugsado lana caadaysto ayaa ka fiican. Daacadda iyo inta xaqa daafacda oo la koriyo ayaa ka roon, ummadda oo lagu abuuro deris-ku-nool aan diir-naxayn.
Ma maqli jirteen: “Ta ay na badeen, ta ay na bareen ayaa ka daran.” Xataa nidaamkii laga soo digo-rogtay ee la lahaa waa aydin ka raysan doontaan ayaan tabahan adeegsan jirin. Maalinba meel ayaa laga fad-kudiyaa, maantana taajku wuxu saran yahay Shaani iyo shuqulladeed. Murashax Madaxweyne iyo weji-ku-macaashkii. Madaxtooyadii, wasaaradihii iyo xarumihii xukuumadduba meherad kale ma hayaan. Waxa lagu hawlan yahay Shaani iyo cidda loogu shin-tirinayo in ay tuurtay. Eedayntu waa Kornayllada Kulmiye hoggaamiya, shinbiro-waaqlayn mooyaan e’, cid shookiga geysa oo shebegle ku qaaddana la waa. Shaxaadkii ayaa halkaa shuq yidhi.
Maanta waa Reer Malab-doon. Sheekh iyo sahriif looma kala hadhin. Hudheelkii Dheylo-xoor ayaa u ballansan. Shaadaligii, shaf-shafadii iyo shaahiiba intii la qaddimi jiray, waxa u soo qaaday Wasiirkoodii Ma-hanbeeye. Waa ay isu habar wacdeen si ay ugu dul hooraan Kornayladan lagu eedaynayo Shaanida isla markaana u taageeraan murashaxnimada Madaxweynaha. Hadda tagtadoodii iyo wixii ay soo mareenba cidi is-ma weydiin. Wadhoodii markii ay riteen ayay Odayaashii qaar ka mid ah oo Ma-hubsade iyo Budh-la-duul ku jireen iyo Ma-hanbeeye is-raaceen si ay lacagtii hadhsanayd u soo qaataan. Waxa kale oo ay u socdeen in ay cajaladdii iyo warbixintiina geeyaan Madaxtooyada.
Mudane Darbane, U-qaybsanihii Madaxtooyada, ee xafladahan aan bireysnayn oo show cajaladda hortood daawaday ayaa markii ay u galeenba iyaga oo aan fadhiisanba oo aanu shaahna u dirin kula soo booday: “Oo ma xaflad ayaad samayseen, heestiiba ma aydaan qaadin e’.” Ku-ye: “Heestee,” Wasiir Ma-hanbeeye ayaa weydiiyay. U-qaybsane Darbane oo xunbaynaya ayaa soo booday: “Ma waxaydaan aqoonnin heestan tidhaahda: ‘Konton kalena sii hay, iyo weliba kaal-kaal.’ Odeygii Ma-hanbeeye la socday ee Ma-hubsade ayaa U-qaabbilsane Darbane ku yidhi: “Adeer, bal genkaan ahay ee aad hees I weydiinayso eeg.” U-qaybsanihii oo cadhaysan ayaa ugu jawaabay: “Haddaad da’ sheeganayso maxaad meesha ka soo doontay.” Odeygiina wuxu ugu jawaabay: “Adeer, dan iyo hunguri ayaa na keenay.” U-qaybsanihii oo xataa fadhiyi kari waayay ayaa sara-joog ku yidhi: “Calaf iyo hunguri aan loo dhibtooni halkan ma yaal. Miyaa illowdeen beydkii Timacadde ee ahaa: ‘Lama helo wadaadow waxaan, cidi ku hawshoon.’ Xataa dumarkii idiin tumayay durbaanno ma ay sidan sidii Ra’da saddexa-maran.”
Budh-la-dool oo cadho cirkaa marayay, budhkiina albaabka lagaga reebay ayaa soo booday isaga oo xunbaynaya: “Waar Ra’dan saddexa-marani ma neef meelahan ku xidhan baa?” Ma-hanbeeye ayaa dib u riixay oo ku yidhi: “Adeer, waa Reer Raxan-Raadkii dorraad bannaan-baxaye, bal naga aammus.”
Wasiir Ma-hanbeeye oo sii gocanayay durbaannadii lagu qabsaday ayaa yidhi: “Oo waddankaba durbaanno immika miyaa lagu sameeyaa.” U-qaybsanihii ayaa dhirbaaxo u holladay, Ku-ye: “Sida Reer Malab-daaq maad Itoobiyaba ka keentaan.” Odeygii oo dhako-faarsan ayaa Wasiir Ma-hanbeeye ku yidhi: “Waar meesha aad na keentay waa maxay? Oo adeer marka horeba yaa noo kaa soo diray? Ma wiilkan yare e baar-qabka ah mise Madaxweynaha.”
Odey Budh-la-duul oo cadho madax-martay ayaa yidhi: “Waar weynu ku soo hungownay e’, meesha waxba inooma yaalliin ee inaga keena.” Iyaga oo cadho dalanbaabbi ah oo luudaya, luunkuna gawracay oo aan biyo iyo shah midna kabban oo tilifoonnadii iyo bakooradihiina illoobay ayay Meeshii iskaga soo baxeen. Show wasiirkoodiina kamaba danbeyn oo markiiba iyaga oo makhaayad ka sheekaynaya, ayaa ku yar oo la socday u sheegay in Aqoon-maal lagu soo qoray in Wasiirkii Ma-hanbeeye xilkii laga qaaday oo la eryay, laguna beddelay Ma-hilaadshe oo isla markiiba magacaabistiisii la soo saaray. Budh-la-duul ayaa yidhi: “Horto labadan nin mooyaan e’, miyaynaan rag kale lahayn.” Ma-hubsade oo fijaankii labaad dalbaday ayaa yidhi: “Maya e’ innagu rag kale waa aynu leenahay e’, iyaga ayaan rag kale innaga inagu lahayn.” Iyaga oo hadalkii aan dhammayn ayaa waxa soo dul-joogsaday Ma-hanbeeyihii la eryay oo bakooradihii iyo tilifoonnadii ay ka soo dudeen u sida. Maba ka xanaaqsana eriga la eryay oo wuxu leeyahayba: “Waa iska caadi. Waa la I yar nasiyay, mushaharkiina la igama jarin. Xilka iyo baabuurka oo keliya ayaan wareejinayaa.”
Xaalku waa saddex shub. Mararka qaarkoodna waa iska shan-subba. Sidaas ayaa loo sunsumayaa. Shacbi kuuma noola. Sidaas ayaa loo dala’saday laguna dullaystay. Soo baxa……Durbaanka tuma…..Heesaha kor u qaada……Maanta waa Reer hebel…..Berri waa Reer Hebel…..Saad dambe waa Dumar…….Ta xigta waa Dhallinyaro……Saakuunna waa cuqaasha iyo odey dhaqameedyada.
Mid aan ka fogayn oo xarynta la joogay ayaa U-qaybsanihii ku yidhi: “Waar dadka iyo odayaasha sidan ka daaya. Miyaanad ka baqayn in cid cod idin siisaba la waayo.” U-qaybsanihii ayaa ugu jawaabay: “Oo meeshu miyaanay Afrika ka tirsanayn? Madaxweynaha Koonfur Afrika Mr. Zuma. Shaqo-la’aantii iyo dhagartii dalka sadhaysay markii uu wax ka qaban waayay miyaan haddana dib loo caleemo-saarin. Ma anngaa ka liidanna.”
Labadii oo halkii daaradda ku murmaya ayaa ku baraarugay dhawaaqa dhallinyaro hor maraysay oo ku qaadaysay: “Wayska xaal adduun, adduun.” Wixii xigayba wuxu ahaa askartii oo kala baxday iyo ciyaalkii oo kala yaacay.
Dhammaantiin Ramadan Kariim. Inta aynu Ramadaanta ku jirno waa aynu kala maqnaanaynaa, ka-fursan-waa dhaca mooyaan e’. Ilaahay kheyr ayaan inooga rajaynayaa.
Dhammaad
SDNQJ
Contact@somalidiasporanews.com