Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Kaabiga U Saaran Degmada Taleex ee Gobolka Sool
Taleex:June,12,2014(SDN/QJ)-Ciidamada Qaranka Somaliland ee Aagga Hol-hol ee Gobolka Sool ayaa sameeyey Dhaqdhaqaaq ay hore ugu durkayaan Magaalada Taariikhiga ah ee Taleex oo ay kooxda Khaatumo ku qabsanayso shir ka dhan ah Somaliland.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Holhol, waxa ay ilaa shalay ciidamadu ku jireen Diyaargarow ballaadhan oo ay ugu tabaabulshaysanayaan sidii ay Deegaanada Shirku ka socdo u gaadhi lahaayeen, waxana ay Haatan diyaar u yihiin inay Kulaalaan xarunta Magaalada Taleex.
Ciidanka ayaa la sheegayaa inay Habeenkii Xalay ka Ambabaxeen Deegaanka Holhol, iyagoo dhaafay Tuullada Carroolay oo qiyaas dhan 30KM ujirta Magaalada Taleex oo ah Meesha laga yaabo inay Ciidanku Gaadhaan.
Masuuliyiinta Somaliland ku jirta eek a soo jeedda Deegaanada Sool ayaa xukuumadda u soo jeediyey in laga hortago Kooxaha Somaliland-diidka ah ee shirka ku qabsanaya Gudaha dalka, waxana la filayaa inay ciidamadu ka jawaabayaan awaamiirta madaxdaas ka timi.
Wararka laga Helayo Ciidamada Qaranka ayaa kooban, waxase la filayaa inay Saacadaha soo socda Ciidanku gaadhaan Degmada Taleex oo ah meesha ay beegsanayaan.
Kooxaha Khaatumo oo meelo badan iskaga Habar-wacday ayaa ku sugan Magaalada Taleex, waxana ay ku Hawllan yihiin inay mar kale boodhka ka jafaan khaatumadii ay sameeyeen Saddex sano ka hor oo noqon wayday sidii la doonayey.
SDNQJ
Contact@somalidiasporanews.com